Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Khasaaraha & Faa’iidooyinka laga dhexlay xirnanshiyaha wadooyinka Muqdisho (Qodobo xul ah + Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa jiro dhibaatooyin badan oo laga dhexlay xirnaanshiyaha Waddooyinka magaalada Muqdisho, halka ay sidoo kale jiraan faa’iidooyin laga helay xirnaanshaha.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa intooda badan qaba in waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho ay saameen ku yeelatay baadi-goobka nolol maalmeedkooda maadaama aysan u shaqo tagi Karin goobihii ay ka xamaalan lahaayen.

Dadka qaar ayaan u shaqo tagin goobahooda tan iyo wixii ka danbeeyay 20ka danbe ee bisha ramadaan ilaa iyo iminka, sababo la xiriira xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho.

Mooto Bajaajleyda ayaa waddooyinka magaalada Muqdisho kuwooda xiran ku mara lacago baad ah oo ay siiyan ciidamada waddooyinka ku sugan taa oo la sheegay inay gaareyso (Nus Dollar)

Haddaba faa’iidooyinka laga dhexlay waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah:

1-Adkeynta guud ahaan amniga magaalada Muqdisho.

2-Ka hortaga Qaraxyada bisha ramadaan looga bartay xagjiriinta Al-Shabaab.

3-Gacan ku dhigista Hub sharci darro ah oo ay wateen dhalinyaro aan u sharciyeysneen dowlada.

4-Xaqiijinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa gaadiidka dhifka ah ee isticmaala waddooyinka.

5-Ka hortaga weeraro dhowr ah oo ay maleegen Al-Shabaab, sababo la xiriira waddooyinka ay mari lahaayen oo xiran.

Khasaaraha laga dhexlay waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah:

1-Shacabka magaalada Muqdisho oo aan niyad furnaan ku dhameysan bisha Ramadaan.

2-Shacabka oo Seddexda maalin ee ciida aan ku ciidin farxad tusaale;

A)-Maalinta koowaad ee ciida Madaxweyne Farmaajo ayey u xirneed waddooyinka isagoo booqasho ku tagay Isbitaalada waaweyn ee Muqdisho, halka Rw Kheyre uu ku ciidaayay Beerta Nabadda iyo Daaru-salaam oo ah halkii ay u dalxiis tagi lahaayen shacabka.

B)-Maalinta labaad ee ciida waxa ay magaalada Muqdisho u xirneyd Ra’isul wasaaraha Ethiopia oo booqasho taariikhi ah ku imaaday magaalada Muqdisho.

C)-Maalinta Seddexaad ee ciida oo maanta ku beegan waxaa weli xiran waddooyinka Muqdisho oo shacabku ay u mari lahaayen goobaha loo dalxiis tago.

3-Shaqaalaha dowlada qudhooda oo aan u shaqo tagin xarumahooda, kadib markii ay waayen waddooyinkii ay mari lahaayen sababo la xiriira zaxmada waddooyinka xiran.

4-Gaadiidka gurmadka ee wada dhaawacyada oo aan helin waddooyin ay u maraan goobaha caafimaadka sababo la xiriira waddooyinka oo xiran iyo in waddooyinka qaar ay tuban yihiin gaadiid iyo mootooyin ku xanibad oo loo diiday inay maraan.

5-Gaadiidka Garumadka ee loo yaqaan dabdamiska oo aan heysan waddooyin ay u maraan goobaha gubta ama dabku ka kaco, sababo la xiriira waddooyinka waaweyn oo xiran iyo kuwa loo mari lahaa xaafadaha oo lagu jaray dhagxaan iyo carro tuur.

6-Dadka muqdisho oo gabay booqashooyinkii ay isugu tagi jireen sababo la xiriira waddooyinka oo aan suuragal aheyn inay ku kala gooshan.

7-Allaabihii kasoo dagaayay Dekadda oo aan loo helin meel la mariyo, waddooyinka xiran aawgood.

8-Ardayda oo aan u waxbarasho tagin iskuulada, jaamacadaha iyo goobaha kale ee wax lagu barto, gaadiidka ay isticmaali lahaayen oo aan loo fasaxeynin waddooyinka.

9-Bukaanada ka ballansan goobaha caafimaad oo xirnaanshiyaha waddooyinka aawgeed helin caafimaad.

10-Dadka dan yarta oo laga cuuryaamiyay wadooyinkii ay ku raadin lahaayen qutul yoomkooda.

Haddaba Dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka waxaa la gudboon in shacabka Muqdisho ay u helaan xal ka duwan kan iminka lagu xiray waddooyinka maadaama aysan muddo ku dhow bil helin xoriyad ay ugu kala gooshan waddooyinka.

wadooyinka-15.jpg?resize=659%2C351&ssl=1

wadooyinka-11.jpg?resize=660%2C366&ssl=1

wadooyinka-1.png?resize=670%2C469&ssl=1 wadooyinka-2.jpg?resize=669%2C502&ssl=1 wadooyinka-3.jpg?resize=669%2C502&ssl=1 wadooyinka-5.jpg?resize=668%2C446&ssl=1

wadooyinka-6.jpg?resize=665%2C412&ssl=1

wadooyinka-7.jpg?resize=664%2C309&ssl=1 wadooyinka-8.jpg?resize=667%2C411&ssl=1 wadooyinka-9.jpg?resize=664%2C497&ssl=1 wadooyinka-10.jpg?resize=663%2C497&ssl=1  wadooyinka-12.jpg?resize=659%2C351&ssl=1 wadooyinka-13.jpg?resize=662%2C372&ssl=1 wadooyinka-14.jpg?resize=661%2C495&ssl=1  wadooyinka4.jpg?resize=660%2C396&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this