Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadiin Soomaaliyeed oo Dil iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Magaaladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in Xalay Magaaladaas dil iyo dhaawac loogu geystay Muwaadiin Soomaaliyeed.

Sida ay xaqiijiyeen Ganacsatadda magaaladda,Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa geystay weerarka sababay dhimashadda iyo dhaawaca ee loo geystay labo Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu weeraray Dukaan ay ku sugnaayeen.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Abdullahi Mohamoud Mohamed (Abdullahi Tobaz), halka Midka kale ee la dhaawacay lagu magacaabo Max’ed Dheere.

Goobta uu weerarka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka magaaladda Cape Town,balse kuma aysan guuleysanin in ay gacanta ku dhigaan Ragii ka dambeeyay weerarka.

PUNTLAND POST

The post Muwaadiin Soomaaliyeed oo Dil iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this