Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Xaqiiqda ka danbeysa Imaanshiyaha Ra’isul wasaare Abiy ee magaalada Muqdisho (6 qodob)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia soo gaaray Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Axmed Cali.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali oo lugtiisa ugu danbeysay ku joogay Sacuudiga ayaa la kulmay dhaxal sugaha Dubai ahna taliye ku-xigeenka Ciidamada Mohamed bin Zayed.

Abiy Axmed Cali iyo Mohamed bin Zayed, ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal, Mandiqada geeska Africa iyo xal u helista Khilaafka Diblumaasiyadeeda ee Somalia iyo Imaaraadka

Abiy Axmed Cali, oo dowladiisa galangal Siyaasadeed ku leedahay Somalia isla markaana kumanaan ciidan ka joogan Somalia ayaa la sheegay inuu u kala dabqaadayo Dowlada Somalia iyo Imaaraadka oo isku khilaafsan arrimaha Khiliijka.

Shabakada wararka zawya ee kasoo baxa dalka Imaaraadka ayaa qortay in Dowlada Imaaraadka ay Ra’isul wasaaraha Abiy Axmed Cali ku wareejisay lacag dhan ($3bln).

Illo xogagaal ah ayaa sheegaya in qeyb kamid ah lacagtaasi loo adeegsan doono dadaalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed Cali ku doonaayo inuu wax uga qabto xiisada Diplumaasiyadeed ee ka dhextaagan Somalia iyo Imaaraadka carabta.

Diplumaasiyiin codsaday inaan la carabaabin ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka ay dooneyso inay ka faa’iideysato miisaanka Ethiopia ay ku leedahay Gobolka iyo arrimaha Somalia si ay Madaxweynaha Somalia u saran cadaadis ku khasbi kara inuu tanaasul ka sameeyo u-xaglinta dowlada Qadar ee Khilaafka Khaliijka, balse siyaasiyiin ka agdhow Dowlada Federaalka ayaa shaki ka muujiyay in Madaxweyne Farmaajo uu tanaasul dhaba ka muujiyo arrintaas.

Haddaba dadaalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed Cali ayaa u muuqda mid haatan bilowday kadib markii booqasho aan lasii shaaci maanta ku yimid magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu kusoo dhaweeyay Garoonka.

Labada hoggaamiye waxa ay u gudbeen qasriga Madaxtooyada Villa Somalia halkaasi oo ay ku yeesheen kulan khaasa oo saxaafadu ay ka aheyd dibad joog.

Illo la hadlay webseedka Caasimada Online ayaa tilmaamay in qodobada aasaaska u ah dhex dhexaadinta ay kamid tahay:

1-In Imaaraadka ay dhowrto midnimada Somalia.

2-In Imaaraadka ay joojiyaan faragalinta ay ku hayaan Somalia.

3-In Imaaraadka uu joojiyo hurinta colaadaha.

4- In Imaaraadka uu cadeeyo mowqifka uu ka taagan yahay al-Shabaab, iyadoo dowlada Federaalka rumeysan tahay in dalal ay kamid tahay Imaaraadka ay maalgalin hub ah siiyaan kooxdaas.

5- Inay Imaaraadka joojiyaan xiriirada tooska ah oo ay lasameyan maamul Goboleedyada, isla markaana ay dowlada Somalia kala xiriiran qadiyada Somalia.

6- In Imaaraadka ay joojiyaan Saldhiga Militery oo ay ka dhisayaan magaalada Berbera ee Somalia iyo ictiraafka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Imaaraadka oo aan la ogeyn shuruudaheeda tiirka u ah dhex dhexaadinta ayaa waxaa haddana jira warar muujinaaya in Imaaraadka ay aad u daneyneyso in mar kale miisaan ku yeelato masraxa Siyaaasada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this