Sign in to follow this  
Deeq A.

C/weli Gaas oo fariin colaadeed u diray Muuse Biixi iyo shacabka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa ka hadlay colaada weli ka taagan Tukaraq, isagoo ku eedeeyay Somaliland inay wado dhibaato, isla markaana dab kusii hurineyso xaalada taagan.

Wuxuu sheegay in Puntland ay u bannaan tahay in ay is-difaacdo, maadaama buu yiri duulaan cad lagu soo qaaday, isagoona dagaalka Puntland kula jirto Somaliland ku tilmaamay jihaad cad, Puntland-na ay diyaar u tahay difaac.

“Gabadha reer Sool ee Laascaano ku barooraneyso, waxaan u sheegayaa in ilmadeeda dhulka ku dhacaysa ay xiddido hor leh goyneyso oo geeri wayn abuurayso” ayuu yiri C/weli Gaas oo ka hadlayay munaasabada ciidul fidriga.

Wuxuu kaloo fariin u diray dad uu ku sheegay inay horgallo u yihiin qorshaha Somaliland ku joogto deegaanada Sool,.

“Horgalayaasha dhalashana sheeganayana, dhaqan ahaan waxay yihiin aan garanayno, horta qofka bini-aadamka arsaaqdiisa waa la qoray waana helayaa, laakiin waxay ku kala duwanyihiin qofna inuu meel xun u maro, qofna meel wanaagsan u maro, laakiin waxaan leeyahay wixiii la idiin qoray waad helaysaan, hadaa diidaan waxaad ka helaysaan ayaan ogaan doonaa inshaa allaah inaad Adduunyada ceeb ku noolaataan Aakhirana aad cadaab gashaan ayaan idiin rajaynayaa.”

“Mouse Biixi iyo jeegaantiisa, waxay qatar ku yihiin ma ahan Puntland iyo Sool kaliya, ee waxay qatar ku yihiin idinka laftigiina, waad og tihiin dad dhan oo reer Somaliland ah ayaa dhib hor leh uu la yimid, waa in la qabto, isaga naftiisana qatar ayuu ku yahay inta la noolna qatar ayuu ku yahay” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo fariin u diray shacabka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this