Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in ay tahay Bari Ciid

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaarada Awqaafta iyo arimaha diinta Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay bari tahay maalinta ciida.

Sheekh Kheyroow Aadan  oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Awqaafta Ayaa ku dhawaaqay in ay bari tahay maalinta ciida bishiina meelo badan laga arkay.

Mudane Kheyre ayaa sheegay in dad kala duwan ay la xariireen islamarkaasina bishii laga arkay Gobolada kamid ah dalka Soomaaliya.

dhinaca kale Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) Agaasimaha Diinta ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa isna xaqiijiyay in bari ay tahay maalinta 1-aad ee ciidul Fitriga.

Muslimiinta ku Nool Dunida ayaa Bari u dabaaldagi doono Maalinta 1-aad ee ciidul Fidriga kadib 29- Maalmood oo ay soo soomanaayeen.

Ciid Wanaagsan

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in ay tahay Bari Ciid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this