Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo cadeeyay qorshaha rasmiga ah oo ciidamadooda ay ku joogan Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday sababta ay ciidamadooda uga howlgalaan Somalia tan iyo wixii ka danbeeyay burburka Somalia.

Jim Mattis oo ah Xoghayaha Difaca dalka  Maraykanka, ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia aysan aheyn inay ka qeybqaatan dagaalka.

Xoghayaha Difaca dalka  Maraykanka, oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in qorshaha ciidamadooda uu yahay keliya inay caawiyaan kuwa Africa, gaar ahaan Somalia.

Xoghayaha oo ku sugnaa Xarunta Waaxda Gaashaandhiga ee dalkaasi ayaa sheegay in Milliteriga Maraykanka ka jooga Afrika yihiin kuwo halkaasi u jooga inay Ciiddanka dalalkaasi siiyaan Tababar iyo La talin ku adaan sida ay u socoto Hawshooda, sida uu hadalka u dhigay.

Jim Mattis waxa uu carrabka ku adkeeyey inaysan Ciiddanka Maraykanka Somalia u joogin inay dagaalamaan ama ka qeyb gaalaan Hawlgalo.

‘’Qorshaha ciidamadeena ku joogan Africa, gaar ahaan Somalia waa inay la taliyaan ciidamada DF ama ay bixiyaan tababaro ay isaga difaacayaan Shabaabka’’

Sidoo kale, Jim Mattis waxa uu tibaaxay in xiligaani Mareykanka uusan Somalia ka joogin ciidan fuliya duqeyn cirka ah, hase yeeshee ay garanayaan goob ay ka fulin karaan weerarada hadii ay u baahdan.

Dhawaan waxaa Somalia lagu dilay Saddex Alifle Alexander Conrad oo ku baxay Weerar ka dhacay Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo, xilli ay Milliteriga Maraykanka taageero siinayeen boqolaal Ciiddamo isugu jiray Somali iyo Kenyan.

Lama cadeyn in ciidamadu ay kusii nagaan doonaan Somalia iyo inkale, waxaana suuragal ah inay ku ekaadan xarumo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this