Sign in to follow this  
Deeq A.

Waqtiga Abu Cubeydah oo noqday kii ugu xumaa ee Shabab (Maxaa dhacay?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah oo kasoo baxayo xaaladda Caafimaad ee hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cumar  ee loo yaqaan Abu Ubeiydah ayaa sheegayo inuu sii galayo xaalad halis ah oo la xaqiijiyey inuusan kasoo kaban doonin.

Wargeyska The star oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa qoray in hoggaamiyaha Shabaab ay soo food saartay xaalad halis ah oo ay u badan tahay inuu u geeriyoodo.

Wargeyskaan ayaa shaaciyey in cudurka hoggaamiyaha Shabaab uu yahay Kansar kaga dhacay Caloosha isla markaasna ay adag tahay inuu kasoo reysto, maadaama uusan joogin meel laga heli karo xarumo Caafimaad oo cudurkaan wax looga qaban karo.

Haddaba Wageyska The Star ayaa qoray in waqtigii abu cubeydah uu ahaa waqtigii ugu xumaa ee Shabaab soo maro.

Wargeyska ayaa sheegay in xubnaha shuurada ee Shabaab intooda badan ay u arkaan Abuu Cubeydah  waqtigiisa inuu ahaa waqtigii ugu xumaa ee Shabaab soo maro marka la fiiriyo waqtigii uu Godane hoggaanka u hayey kooxdaan iyo wixii kasii horreeyeyba.

Markii la magacaabay Abuu Cubeydah ayaa durba wuxuu noqday fadhiisad, waxaana yaraaday fulinta qorshayaashii Shabaab ay ka lahaayeen dalka Soomaaliya, waxaana sababta ugu weyn lagu sheegay inuu noqday Bukaan socod aan kasoo bixi karin shaqadiisa sida uu qoray Wargeyska The Star.

Xaaladda Hoggaamiye Abuu Cubeydah ayaa aheyd mid liidato lixdii bilood ee ugu dambeysay iyadoo aan rajo laga laheyn inuu kasoo kaco cudurka Kansarka oo kaga dhacay Caloosha iyo labada Killi oo fadhiistay.

Abuu Cubeydah ayaa kooxdaan hoggaamiye u ahaa tan iyo sanadkii 2014 markaas oo la dilay hoggaamiyihii mayalka adkaa ee Axmed Godane.

Abuu Cubeydah ayaan wax magac iyo saameyn ah ku laheyn gudaha dagaalyahanada Shabaab, waxayna midaas keentay inay u arkaan inuu yahay hoggaamiyihii ugu xumaa ee soo mara kooxdaan argagaxisada ah ee dhibaatada ku heyso dadka iyo dalka Soomaaliya.

Intii uu xilka hayey ayaa waxaa kooxda hareeyey khilaaf soo kala dhex galay kaasoo keenay in Ajaanib badan la dilo iyo in la weeraro hoggaamiyaal ka tirsanaa Shabaab oo markii dambe isku soo dhiibay Dowladda oo uu ugu dambeeyey Roobow Abuu Mansuur.

Sidoo kale waqtigii uu xilka hayey ayaa waxaa dhacay weeraro ay kooxdaan ka geysteen gudaha Soomaaliya iyo debadda, wuxuuna Qaraxii Soobe ka dhacay noqday midkii ugu xumaa oo ay Shabaab sameeyaan kadib markii ay hal meel ku dileen ku dhawaad kun Qof oo shacab ah oo aan waxba galabsan isla markaasna aan kamid aheyn dhinacyada siyaasadda isku haya.

Qaraxii Soobe ayaa sababay inay ciidamo badan iyo xubno ka tirsan Shabaab ka niyad jabaan Jihaadka loo sheegi jiray inay ku jiraan maadaama ay xaqiiqsadeen in la daadinayo dhigga dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

Hoggaamiyahaan ayaa waqti badan ku adkeysanayey inuu heli doono caafimaadkiisa isla markaasna uu sii heyn doono xilkaan, taasoo ugu dambeyn noqotay rajo ku dhacday ceel, waxaana muuqato inay kooxdaan la kulmeysay cadaadis dhan walba ah intii uu Abuu Cubeydah diidanaa inuu fasaxo hoggaaminta kooxdaan.

Waxaa la filayey inay wada shaqeyn doonaan ku xigeenadiisa marka uu dhinto kadib, balse hadda waxaa muuqato saansaan colaadeed oo kusii socoto in gacanta la iskula tago isago oo aan weli dhiman balse sariir jiif ah oo aan wax tallaabo iyo go’aan ah qaadan karin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa in ka badan 10 sano dagaal ka wado dalka Soomaaliya, waxaana hadda laga saaray meelo badan oo dalka kamid ah waxayna kusoo hareen meelo kooban oo ay ka sameeyaan weeraro gaadmo ah iyo dilal qorsheysan, sidoo kalana waxay ku dhuumaleystaan Keymaha.

Dadka ku xeel dheer siyaasadaha kooxaha xagjirka ah ayaa aaminsan inay kooxdaan meesha ka bixi doonto guud ahaanba haddii ay dagaalamaan dhexdooda maadaama ay isku heystaan ciddii badali laheyd Hoggamiyaahooda sariirta kusoo koobmay.

Xaaladda Khilaafka ay hadda ku jirto kooxdaan ayaa noqoneyso middii ugu adkeyd ee soo marta, waxayna rajadooda ku xirnaan doontaa sida ay u maareeyaan iyo dagaal iyo heshiis midkii ay qaataan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this