Deeq A.

Duqii Hore ee Muqdisho oo ka hadlay xaalada adag ee ay xilligan ku sugan tahay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Thabit_M_Abdi_Somalia.jpg?resize=827%2C5
Muqdisho (PP) ─
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii hore ee Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa si adag uga hadlay xayiraada la saaray shacabka Muqdisho iyo dilalka isi soo taraya ee lagu hayo dhallinyarada ku xamaalata gaadiidka Bajaaj-ta.

Maalmihii lasoo dhaafay, magaalada Muqdisho ayaa kala xirnayd, Waxaana intaas dheer dilal ay ciidanka dowladdu ku hayaan shacabka. Wuxuu Taabit Cabdi Dowladda Federaalka Somalia ka codsaday in Qoysaska laga dilay carruurtooda ay cadaalad helaan.

Sidoo kale, Thabit Cabdi ayaa qaba in Muqdisho oo aan heysan mataalad siyaasadeed inaanay xamili karin caburin joogto ah wuxuuna qoraal uu soo saaray maanta ku yiri. “Xamar Xuquuq la’aan iyo Xorriyad la’aan ma wada qabato.”

Haddaba, Akhriso qoraalka uu bartiisa baraha bulshada soo dhigay Thabit kaasoo uu kaga hadlay xaaladda ay ku sugan tahay Muqdisho oo maalmihii u dambeeyay ahayd mid aad looga cabanayay;

Xaaladda shacabka Muqdisho waa sii adkaaneysa maalinba maalinka xiga. Jidadka xiran waxaa ku biiray dilalka joogtada ah ee wiilasha dhallinyarada ah ee Bajaajta ku xamaasha. Aad baan uga murugoonayaa aqbaarta nuucaas ah.

Bajaajleydu dhaqaale ayey magaalada u yihiin, waxay sahlaan isu-socodka bulshada, waxayna u badan yihiin dhallinyaro. Sidaa darteed waa inaan la dabar jarin jiilka Caasimadda. Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay dilalka lagu hayo Bajaajleyda wuu batay mana jirto sabab cad oo loo aaneyn karo iyo wax ay galabsadeen toona.

Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoysaskii ay ka baxeen dhallinyaradaas gardarada lagu dilay. Dowladda waxaan ka codsanaya in ay cadaalad helaan ehelada marxuumintaas iyo in talaabo adag laga qaado askarta dhaqankaas caadeysatay.

Waxaa fooda inagu soo heysa Ciidul-Fidrigii, weli Muqdisho waa kala xiran tahay, waxaana jira ganacsato badan oo aan weli suuq u helin agabkii ay u keeneen Ciida awgeed, sidoo kale waalidiin iyo caruur badan ayaan weli helin fursad ay ku tagaan goobaha ganacsiga jidadka xiran awgood.

Ugu dabmeyn, Dowladdu waa iney fududeysa isu-socodka magaalada, waa in ay raadisaa xal fudud oo amniga lagu sugi karo, bulshada Muqdishana ay ku ganacsan karto kuna noolan karto bilaa caburin. Xamar Xuquuq la’aan iyo Xorriyad la’aan ma wada qabato.

PUNTLAND POST

The post Duqii Hore ee Muqdisho oo ka hadlay xaalada adag ee ay xilligan ku sugan tahay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thabit acts as if Mogadishu belongs to his clan. He is always whining about muqdishaawi nonsense that doesn't make sense.

Mogadishu is a neutral city that doesn't belong to any specific clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.