Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu R/W Kheyre ka yiri dhibta ay shacabka Xamar ku qabaan jidadka xiran?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo tan iyo markii la galay bisha ramadaan la xiray dhammaan isu socodka waddooyink magaalada Muqdisho, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo ka jawaabaya qeyla dhaanta ka dhalatay waddooyinka laga xiray shacabka ayaa sheegay in ujeedka loo xiray ay tahay adkeynta amniga caasimada.

Kheyre waxa uu sheegay in xirnaanshaha wadooyinka iyo baaritaanada wakhtiga dheer qaata looga gol leeyahay sugida amniga caasimadda,isla markaana Shacabka dhankooda looga baahan yahay in ay dul qaataan.

Ra’isul wasaaruhu waxa uu cadeeyay in amni la’aantii aysan suuragal aheyn, waxa uuna sababta ugu weyn ee xirista waddooyinka ku sheegay dhagar ay xagjiriinta Al-Shabaab u maleegayaan dadka shacabka ah.

Kheyre ayaa yiri “Waxan shacabka uga mahad celinayaa dulqaadka ay muujiyeen waan ogahay in ay dhibtahay in waqtiyo badan qaadato meeshii la aadi jiray sababtoo ah in baaritan badan baabuurta lagu sameeyo’’

Waxa uu intaa raaciyay Kheyre ‘’Waxan idiin ballan qaadayaa in aan sii dardar gelin doono howlaha baaritaanada inta laga gaarayo in aan loo baahan baaritaan badan oo uu amniga soo hagaago’’

Shacabka ayuu ugu baaqay inaysan dhaliilin ciidamada amaanka ee ku howlan sugida amniga, waxa uuna taa bedelkeeda ku taliyay in si dhow loola shaqeeyo.

Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dadka shacabka gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho ay dhibaatooyin badan ka qabaan sida ay ciidamada ula dhaqmaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this