Deeq A. Posted June 13, 2018 Sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi, Maamulka Somaliland ayaa aqbalay qorshe ay wadeen Qaramada Midoobay iyo IGAD oo ah in marka koowaad laga sameeyo xabad joojin rasmi ah Tukaraq islamarkaana la bilaabo in la wada hadlo. Hase yeeshee Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa qorshahaas diiday islamarkaana shuruud ku xidhay. Warku wuxuu sheegay in Mr. Gaas uu shuruud ka dhigay in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo Sool, ka dibna la bilaabo xabad joojin iyo wada hadal. Talaabadan Puntland, ayaa warku wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ku noqday caqabad islamarkaana ay ku cuslaatay shuruudaas uu Cabdiweli Gaas ku xidhay xabad joojinta, Quote Share this post Link to post Share on other sites