Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Halista dhulka la jartay Somalia ee uu Imaaraadka u maleego Somalia (Qodobo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dhibaatooyin la sheegay in Dowlada Imaaraadka carabta ay u maleegto guud ahaan Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Dhibaatooyinka uu Imaaraadka ku hayo Somalia ayaa isugu jira qeybo kala duwan sida Ganacsiga, Siyaasada, Amniga iyo Kala gudbinta hubka sharci darada ah.

Dadka Soomaalida ah ayaa dhibaatooyinkan uu Imaaraadka ku hayo Somalia ku baraarugay wixii ka danbeeyay Heshiiska magaalada Abu Dabai ku dhexmaray Imaaraadka iyo Somaliland kaa oo u muuqday mid si dadban loogu kala iibsanaayay Dekadda Berbera, inkastoo ay fashilisay dowlada Somalia.

Dowlada Imaaraadka ayaa fashilka ay kala kulantay Heshiiska Dekadda Berbera ka qaaday cadaawad hor leh oo ay u muujineysay Somalia, iyadoo wixii intaa ka danbeeyay ay bilowday inay qafiifiso xiriirka Somalia, sidaana looga eryo dalka.

Dhibaatada GANACSI ee uu imaaraadka ku hayo  Somalia

1-Dowlada Imaaraadka waxa ay Somalia 20kii sano ee ugu danbeysay u iibkeentaa Dawooyin dhacay.

2-IIbkeenka Rashiin dhacay oo dunida laga waayay goob loo safriyo.

3-IIbkeenka gaadiid raqiis ah oo tayo ahaan aad uga hooseeya kuwa kale oo ay ka iibiso adduunka kale.

4-Ka macaashida dhaqaalaha iyo ganacsiga ka socda Dekadaha Somalia.

5-IIbkeenka dharka Hidaha iyo dhaqanka u ah, si dhaqan ahaan ay saameyn ugu yeeshaan Somalia.

6-IIbkeenka Hubka sharci darada ah, iyadoo laga faa’iideysanaaya burburka weli ku danbeeya Somalia.

Dhibaatada SIYAASADA ee uu imaaraadka ku hayo Somalia

1-Aasaaska Xisbiyo mucaarad oo aan horay looga aqoon Somalia.

2-Sameynta Siyaasiyiin cusub oo ka shaqeynaaya danahooda gaarka ah iyo tan Imaaraadka.

3-Bixinta dhaqaale joogta ah oo lagu bixiyo qaska Somalia taa kor u dhaafeysa 2 Milyan, oo si joogta ah u gaarta dhammaan Xisbiyada mucaaradka Somalia min caasimad ilaa Gobol.

4-Sameynta casuumaado qarsoodi ah oo lagu indha sarcaadinayo Siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwaa oo ka dhaca Dubai iyo Nairobi.

5-Ka qeybqaadashada riditaanka Xukuumadaha aysan ka dhex arag danahooda gaarka ah.

6-Fashilinta dowlad waliba oo caqabad ku ah danaheeda Siyaasadeed ee Somalia.

7-Sameynta Siyaasiyiin khaas ah oo si joogta ah madaxda dalka uga dhaliila Warbaahinta madaxa-banaan.

Dhibaatada AMNI ee uu imaaraadka ku hayo  Somalia

1-Sameynta ciidamo gaara oo calooshood u shaqeystayaal ah, kuwaa oo ka dhex shaqeeya Gudaha iyo Gobolada dalka.

2-Keenista Hubka sharci darada ah ee lagu qalqal galiyo amniga Somalia.

3-Keenista Gaadiidka ciidanka si ay u iibsadaan xitaa dhinacyada kasoo horjeeda dowlada sida Shabaab iyo Daacishta Somalia.

4-Keenista Kiimikada halista ah ee laga sameeyo Qaraxyada tanka culus, oo si qarsoodi ah loogu dhex iibin jiray xerada Gordon ee uu Imaaraadka ku tababari jiray ciidamada.

5-In Somalia ay u iibkeenaan Dareeska ciidanka si ay u adeegsadaan dhinacyada halista ku ah amniga dalka sida Shabaab iyo Daacish.

6-In Somalia ay u iibkeenaan Hubka feega ah oo ay ku cayaaran carruurta kuwaa oo halis ah, isla markaana xiliyada habbeenkii lagu geysto dhaca.

Dhibaatada Kala gudbinta hubka sharci darada ah ee uu imaaraadka ku hayo Somalia

1-Kala gudbinta hubka sharci darada ah oo si toosa u gaara dhammaan Gobolada dalka.

2-Hubka oo sifo sharci daro ah loogu keeno Somalia Diyaarado iyo Maraakiib kolkaa u raran Imaaraadka.

3-Keenista Hubka sharci darada ah oo heshiis lagala galo Burcad-badeeda si ay ugu safriyaan Biyaha badda ah.

4-Hubka oo si rasmi ah loogu ganacsi keeno Muqdisho iyo guud ahaan Gobolada dalka.

5-Hubka oo laga kala gudbiyo Xerooyinka uu Imaaraadka ku lahaa Muqdisho, waxaana xusid mudan in xiligaan laga kala gudbiyo Puntland iyo Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa u muuqaneysa mid ku guuleysatay inay cuuryaamiso danaha gaarka uu Imaaraadka ka leeyahay Somalia, wallow ay weli jirto halis badan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this