Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo xeelad cajiib ah u adeegsatay weerarkii lagu dilay Ameerikanka

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Wargeyska The Daily Beast ee Maareykanka ayaa qoray in kooxda Al-Shabaab ay xeelad cajiib ah u adeegsatay weerarkii ka dhacay Jubbada Hoose ee lagu dilay askariga Mareykanka.

Ciidmada gaarka ah ee Mareykanka ayaa xaqiijiyey in weerarkaas looga dilay Alexander Conrad, oo ahaa 26 jir kasoo jeedy gobolka Arizona, ayada oo 4 skari oo kalena lagu dhaawacay.

Sida wargyeyka uu qoray, ciidamada sii kordhayey ee dhowaanahan lagu arkayey deegaanka ayaa heegan geliyey kooxda Al-Shabaab, oo kadibna billowday inay usii diyaar garowdo, una dejiso xeelad.

Markii ciidamada Mareykanka, Soomaalida iyo Kenyan-ka ay soo galeen Sanguuni ee ay dhufeysyada sameysteen, waxay Al-Shabaab ku weeciyen webiga Jubba, taasi oo ciidamda ku qasabtay inay aaggooda ka baxaan, kadibna Al-Shabaab ay weerar ku ekeysay.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale laba toddobaad ka hor weerarka, waxay qaadeen tallaabooyin kale oo muhiim ah, sida inay dadkii shacabka ka saareen magaalada, iyaguna ay iska dhigeen dharkii ciidan, oo ay qaateen dhar shacab. Waxay sidoo kale wacdeen ciidamo gurmad ah.

Weerarkan ayaa guul weyn oo boola-xoofto u noqday kooxda Al-Shabaab, oo awood u yeelatay inay jab gaar-siiso Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.om

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this