Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Framaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Belgium

Recommended Posts

Deeq A.   
1-3.jpg?resize=600%2C400Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Nihon

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Dowladda Belgium usoo magacowday Soomaaliya Nicolas Nihon.

Madaxweyne Farmaajo ayaa war bixin kooban ka siiyay danjiraha cusub Dowladda Belgium usoo magacowday Soomaaliya xaaladda Dalka iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay xilligan saaxiibbo caawiya, wuxuuna u rajeeyay  Danjire Nihon in uu kaalin mug leh ka qaato adkeynta xiriirka labada dal.

Sidoo kale Danjire Nicolas Nihon ayaa isna dhankiisa muujiyay sida ay dowladdiisu ugu hanweyn tahay inay garab istaagto Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in Belgeum iyo Soomaaliya uu u dhexeeya xiriir iyo isfaham aad u fiican, wuxuuna ku tilmaamay horumar weyn oo ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

Dalka Belgeum oo ay ku taalla xarunta Midowga Yurub ayaa bishan June dhamaadkeeda marti gelin doona shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Framaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Belgium appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this