Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: CC SHAKUUR oo markii u horeysay shaaciyey sababtuu u mucaarado DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdirxmaan Cabdi Shakuur Warsame, oo ah siyaasigii ku caan baxay inuu badda Soomaaliya u saxiixay dalka Kenya, ayaa caddeeyey sabatka dambeysay mucaaradnimadiisa dowladda federaalka..

Siyaasiga oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dowlada uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay sameysay balanqaadyo farabadan, oo aan la fulin illaa iyo hadda.

Siyaasiga ayaa soo qaatay tusaalooyin dhowr ah haba ugu badnaatee arrimaha yareynta safarada, balan qaadkii ahaa in qofkii soo sheega Al-Shabaab la siinayo (Boqol Kun) oo Dollar iyo sidoo kale xeritaanada mararka qaar ee waddooyinka Muqdisho iyo dhismaha ciidamada.

Shacabka ayuu sheegay in marnaba aysan fahansaneyn mucaaradnimada waxa ay tahay, balsen iyaga u jeedadoodu ay tahay in shaqada ugu horeysa ee la qabto in ay noqoto fulinta balan qaadyadii la sameeyey, taasna ay tahay la-xisaabtanka madaxda la doortay.

Wareysi uu siiyey mid ka mid ah Tv-yada ku hadla afka Soomaaliga ayuu ku sheegay in dadka aan markaas dowladda dhalata aan xilka heyn ay u furan tahay in ay saxaan qalalaadka dhaca, si looga gudbo in qof walba uu ka baxo balan qaadka uu sameeyey marka uu guuleysto

Hoos ka dhageyso codka C/raxmaan Cabdi Shakuur.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Siyaasi-Cabdiraxmaan-Cabdi-Shakuur.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this