Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddooyinka magaalada Muqdisho oo kala xiran xili dhawaan uu soo baxay amar Madaxweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho  (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray qayb ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama iyo guud ahaan wadada Wadnaha ee muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Ciidan fara badan oo dowladda ka tirsan, ayaa lagu arkayaa wadooyinkaasi, kuwaasi oo gaadiidka iyo mootooyinka u diidaya inay halkaasi maraan, iyadoo dadka ay isweydiinayaan sababta wadada loo xiray.

Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaan saakay isticmaali karin Isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Ciidanka ayaa gaadiidleyda ku amraya in ay isticmaalaan waddooyinka kale balse ku wargalinaaya inaysan mari karaan wadadaan.

Dadka reer Muqdisho oo isku diyaarinaya maalmaha Ciidul Fidriga ayaa la kulmaya dhibaatooyin kala duwan oo dhanka wadooyinka Magaalada ku aadan.

Dadka Muqdisho ayaa u muuqda kuwa lagu cadaadinaayo ineysan farxada la qeybsan Gobolada kale ee dala, waxa uuna cadaadiska noqonayaa mid saran kaliya dadyowga Muqdisho.

Dadka ayaa cagtooda maalaya maadama wax gaadiid ah aanu ka soo gudbi karin Isgoysyada aan soo sheegnay.

Madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in si degdeg ah loo furo waddooyinka xiran oo shacabka loo daneeyo.

Dhinaca kale, Amarka Madaxweynaha ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo aan dhaqan galin maadaama amarka ugu sareeya dalka uu leeyahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this