Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan C/M/Nuur oo digniin kasoo saaray lacagaha cusub ee loo daabacayo Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Xukuumada Somalia ay ku howlan tahay daabacada lacago cusub oo ka shaqeyn doona dalka ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo mar soo noqday Wasiir u Dawlihii hore ee Maaliyadda DFS.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah Xoghayaha Maaliyadda ee BFS ayaa ka digay in xiligaan lacago cusub loo soo daabaco dalka.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in dhibaatooyin badan ay ka imaankaraan daabacada lacagaha cusub, waxa uuna cadeeyay in xiligaan ay muhiim tahay in la dib dhigo lacagta.

Waxa uu tilmaamay wali inay jiraan caqabado kala duwan oo ku gadaaman dalka, waxa uuna xaqiijiyay in dowlada Somalia aysan lacagtaasi geyn karin Gobolada qaar.

Gobolada qaar ayuu sheegay inay ka taliyaan Al-Shabaab, halka qaarna ay sheeda kala socdaan isla markaana ka geystaan weeraro joogta ah.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu sheegay in mas’uuliyadda lacag daabicida uusan laheyn Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya balse Shaqadaas looga baahan yahay Bankiga Dhexe.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu tusaale usoo qaatay dowladihii hore oo uu sheegay in qudhooda ay dadaal xoogan galiyeen daabacaada lacago cusub, hase yeeshee markii la arkay dhibta uu dalka ku jiro ay saamixi weysay in la daabaco lacagta.

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa ku celcelshay inaan lagu degdegin daabacaada lacagta cusub oo uu sheegay inay dhibaatooyin u horseedi karto dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this