Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaaciyey magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay wareysi lala yeeshay ninkii fuliyay weerar isqarxinta ahaa ee lagu qaaday xerada Ciidanka ee deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo lagu dilay askar Mareykan ah.

Ninkaan oo kaxeynaayay gaari lagu qarxiyay afaafka hore ee xeradan ayaa intii uu kaxeynaayay gaarigaasi wareysi laga duubay ku sheegay inuu isku qarxinaayo laynta waxa uu ugu yeeray murtadiin.

Yuusuf Cali Cumar ayaa ahaa 24 ka tirsanaa Shabaab gaar ahaan qaybta isqarxinta ku qornaa ugu dambeyna sidaasi ku dhintay. Ninkaan ayaa ka soo jeeday Beesha Wacdaan Cusmaan sida ay sheegtay Warbaahinta Al Shabaab.

Qaraxaan Ismiidaaminta ah ee ninkaan uu fuliyay ayaa wuxuu dhacay Sabtidii kadib markii Shabaab Jimcihii ay weerareen xerada Ciidanka Baar Sanguuni maalintii Jimcaha oo ay ku dileen askari Mareykan ah afar kalena ay ku dhaawaceen.

Warbixinta Al-Shabaab, ayaa lagu sheegay in qorshahan uu daba socdo silsilado shirqoolo ah oo horay ay u fashiliyeen maleeshiyada kooxda, kaas oo ay horkaceyso dowladda Mareykanka.
Ciidamo ka kooban ilaa 800 oo askari oo isugu jira Soomaaliya iyo Kenyaati oo taageero ka helaya cutubyo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa todobaadkii la soo dhaafay saldhig ka sameystay deegaan lagu magacaabo Baarka oo qiyaastii 45KM u jira magaalada Kismaayo.

Xoogaga Shabaab ayaa toddobaadyadii tagey, waxa ay kordhiyeen weerarada ay la beegsanayaan xarumaha Ciidanka ee Gobolada dalka ku yaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this