Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa ka jira in Imaaraadka Carabta uu kaalin ku lahaa Qaraxyada ka dhici jiray Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Hay’adaha amaanka DFS ay tuhun ka qabaan cidii ku lug laheyd Qaraxyada ka dhici jiray magaalada Muqdisho.

Hay’adaha amaanka ayaa tuhunka ugu badan la sheegay inay ka qabaan in Dowlada Imaaraadka carabta ay door ku laheyd Qaraxyada ka dhacay mgaalada Muqdisho bilihii lasoo dhaafay.

Baaritaano la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in Imaaraadka uu garab u ahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ee aadka uga soo horjeeda jiritaanka Qaranka Somalia.

Mid kamid ah Saraakiisha ka qeybqaatay baaritaanka ay sameeyen Hay’adaha amaanka dowlada Somalia ayaa sheegay in magaalad Muqdisho uu ka istaagay Qaraxyadii looga bartay tan iyo markii Somalia laga saaray Diplumaasiyiinta iyo Saraakiisha Imaaraadka.

Sarkaalkan waxa uu sheegay in Saraakiisha Imaaraadka ka joogay Somalia ay siyaabo kala duwan ula shaqeyn jireen Kooxaha Xagjirka ah, waxa uuna sheegay in xerada Gordon ee uu Imaaraadka ku tababari jiray ciidamada laga soo saray Kiimikada Qaraxyada iyo Miinooyinka noocyada aadka u culus.

Sarkaalkan oo xaalado amni uga gaabsaday isticmaalka magaciisa ayaa sheegay inaanu Muqdisho ka dhicin Qarax tan iyo markii ay isaga baxeen Imaaraadka.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ‘’Baaritaano dhowr ah ayaa dabcan la sameeyay waxaa inoo soo baxay tuhun ah in Imaaraadka ay waxbadan ka ogeyd falalka amni darro ee ka dhacaayay Muqdisho sida Qaraxyada’’

‘’Dowladu ma sameyn talaabo dheeri ah hadana amnigu waa mid sugan, taasi waxa ay noo muujineysaa in tuhunkii jiray uu rumoobay’’

‘’Waxaa tuhunka xoojiyay Kiimikada laga sameeyo Qaraxyada, Miinooyinka tanka weyn iyo Hub nagu cusub oo laga soo saaray xerada Gordon ee uu Imaaraadka ku tababari jiray ciidamada taasi waxa ay cadeyn u noqon kartaa in Imaaraadka uu caawin jiray Kooxaha xagjiriinta ee kasoo horjeeda Nabadda’’ ayuu yiri Sarkaalkan oo inoo  waramaayay.

Waxa uu intaa raaciyay in xitaa in Saraakiisha AMISOM ay arrinta noocaasi ka muujiyeen tuhun, kadib markii ay is lahaaden Kiimikada ay isticmaali jireen Shabaabka iyo tan laga helay xerada Gordon ee uu Imaaraadka ku tababari jiray ciidamada.

Sidoo kale, shakiga ayaa waxaa sii xoojiyay hanjabaado ay dowlada Imaaraadka carabta hawada u marisay Dowlada Somalia oo aan weli ka adkeen amaankeeda, waxaana xusid mudan in hubkii ku jiray xerada Gordon maalmo ka hor inta aysan Imaaraadka ka bixin Muqdisho si sharci darro ah loogu dhex fasaxay magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Imaaraadka oo caqabad u aragta Heshiisyada ay ka joojisay dowlada Somalia ayaa ka shaqeyneysa sida ay uga aargoosan laheyd dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this