Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo qorshe cusub ka damacsan Somalia kadib askartii dhowaan looga dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Milliteriga Maraykanka ee Qaaradda Afrika ‘’AFRICOM’’, ayaa ku goodiyay in la kordhin doono dagaalka ay kula jiraan xagjiriinta Al-Shabaab iyo Daacishta Somalia.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada khaaska ee Mareykanka ka jooga Somalia iyo guud ahaan Africa ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Daacish.

Waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay beegsan doonaan xarumaha waaweyn oo ay ku sugan yihiin labada Kooxood, si loo qafiifiyo dhaqdhaqaaqa ay iminka wadaan.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in Militeriga Maraykanka uu go’aansaday inay xaqiijiyaan dagaalkooda ka dhanka ah Al-Shabaab iyo cabsida ay Kooxda Daacish ku hayaan Somalia, sida lagu sheegay warbixinta.

Jeneral Thomas Waldhauser, oo ah Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, ayaa fariinta qoraalka ku sheegay mid lagu laba jibaarayo dagaalka lagula jiro xagjiriinta Somalia.

Jeneral Thomas Waldhauser, waxa uu sheegay inay ciiddanka khaaska ah ee Maraykanka ay sii wadi doonaan in ciiddanka AMISOM ay kala qeyb galaan sidii loo wiiqi lahaa waxa uu ugu yeeray Cabsida Kooxaha xagjirka ee ku sugan Geeska Afrika, waa sida u uhadalka u dhigay.

Jeneral Thomas Waldhauser, waxa uu sheegay in weerarada kaga imaanaya dhanka Al-Shabaab ay baraarun u tahay Mareykanka oo uu sheegay inay ku dhiiri galineyso kordhinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

‘’Wey naga go’an tahay inaan dhabar jabino xagjiriinta u bareeray inay qalqal galiyaan xasiloonida Somalia’’

Sidoo kale, Jeneral Thomas Waldhauser, ayaa sheegay in Istaraatijyadda Maraykanka ee Bariga Afrika tagay sidii loo dhisi lahaa Awoodda AMISOM iyo Ciiddanka DFS ee looga hortegi lahaa colaadaha ay Kooxaha xagjirka ku doonayaan inay ku waxyeeleeyaan Gobalka.

Si kastaba ha ahaatee, taliska AFRICOM ayaa ku celcelshay inay qaadi doonaan dagaal lagu soo gunaanadi doono dhaqdhaqaaqa maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this