Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkee lagu dabiibayaa askartii Mareykanka kaga dhaawacantay weerarkii J/hoose?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa dagaalkii ka dhacay Deegaanka Baar Sanguuni ee J/hoose ku dilay askari kamid ah ciidamada Mareykanka ee deegaankaasi Saldhiga ku leh, waxa ayna dhaawaceen Afar kale.

Ciidamada Mareykanka ayaa saacado un ka hore dhaawacyada afarta ah u qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Afarta askari oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ayaa la xaqiijiyay inuu soo gaaray dhaawacyo culus kuwaa oo wax looga qaban waayay Saldhigyada caafimaad ee uu Mareykanku ku leeyahay Somalia.

Dhoofinta Askarta dhaawaca ah ayaa waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM.

Qoraalka Taliska ayaa lagu sheegay inay Askartaasi daaweynayaan dhakhaatiir caafimaad oo ka tirsan Safaaradda Maraykanka ku leedahay Kenya.

Sidoo kale, qorshaha muuqda ayaa lagu sheegay in Askartaasi loo duulinayo dalka Maraykanka ama Xarunta Dhexe ee AFRICOM oo ku taalla magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka, si ay uga helaan daaweyn dhamaystiran.

Docda kale, waxaa ilaa iyo hadda la magac dhabin Afarta askari, halka kan lagu dilay weerarka la baahiyay magaciisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this