Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kala soctaa halka ay ku yaalan 4-ta Saldhig ugu waaweyn ee Mareykanka ku leeyahay Somalia? (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya tirada ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia kuwaa oo la sheegay inay caawinayan ciidamada dowlada ee dagaalka kula jira al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia ayaa xoogooda ku kala sugan Xerada Xalane, Bali-doogle, Gobolka Bari iyo Garoonka magaalada Kismaayo.

Ciidamadan oo hubkooda uu u dhameystiran yahay ayaa howlgalada ugu badan waxa ay kawadaan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka, Gobolka Bari oo ay ku badan yihiin xagjiriinta Somalia ee al-Shabaab.

Mid kamid ah Saraakiisha waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada xiligaan ka jooga Somalia ay gaarayan ilaa iyo Shan boqol oo askari.

Waxa uu sheegay inay wadaan qorsho lagu kordhinaayo ama lagu dhimaayo ciidamada, waxa uuna intaa raaciyay inay ka go’an tahay la dagaalanka waxa uu ugu yeeray argagixisada Somalia ee al-Shabaab.

Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa sheegtaya in ciidamadooda ay gacan ka siiyaan ciidamada Soomaaliya hawlgallada ay fuliyaan, isla markaana uu sii socon doono howlgalada.

Dowlada Mareykanka ayaa tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo laba jibaartay dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka al-Shabaab.

Sidoo kale, al shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay qaadayaan tan iyo bilawga bisha Ramadaan iyaga oo sheegtay weerro badan oo xidhdiidh ah oo ka dhacay gobolo kala duwan.

Bishii May ayaa hal askari oo Maraykan ah lagu dilay tuulada Daara Salaam ee Shabeelaha Hoose, halka laba maalin ka hor Askari kale lagu dilay deegaanka Baar Sanguuni, labadaasi askari ayaa noqday kuwii ugu horeeyay ee ciidanka Maraykanka looga dilo Somaaliya tan iyo sanadkii 1993kii xiligaasi oo la soo riday diyaaradii ciidamada Maraykanka ee nooceedu ahaa Black Hawk.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this