Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Burburin ku billaabay Dhismaha Piazza Libera, Ceel-gaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Piazza_LIbero_Muqdisho-1.jpg?resize=815%Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (inj. Yarisow) ayaa maanta amray in la bur-buriyo dhismaha Piazza Libera ee Ceel-gaabta bacdamaa goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore.

Duqa Muqdisho ayaa kal hore hakiyey dhismaha goobtan ka dibna u direy baaris rasmi ah. Iyadoo la fulinayo awaamiirta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu Duqa Muqdisho maanta bixiyey amarkan burburinta.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa yiri “Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, ka dib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, uuna ahaa yahayna weli mid dan guud. Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dawladda la bixin karin iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah.”

Inj. Yariisow ayaa sidoo kale u diray digniin dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana sida tan oo kala loo burburin doono goob walba oo dhise sharci darro ah laga sameeyo.

Ugu dambeyn, Inj. Yariisow ayaa ugu danbeyntii sheegey inuu doonayo in Caasimadda lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtey berisamaadkii oo goobihii jardiinooyinka iyo xarumaha bila bilicda magaalada dib loo dhiso, si bushada uga wada faa’iideysato.

Piazza_LIbero_Muqdisho-2.jpg?resize=815% Piazza_LIbero_Muqdisho-3.jpg?resize=815% Piazza_LIbero_Muqdisho-4.jpg?resize=815% Piazza_LIbero_Muqdisho-5.jpg?resize=815%

PUNTLAND POST

The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Burburin ku billaabay Dhismaha Piazza Libera, Ceel-gaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this