Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka dhaqan galay amarkii uu Farmaajo faray Hay’adaha amaanka ee DFS?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maalinimadii shalay ugu baaqay hay’adaha amniga DFS in shacabka ay u fududeeyaan isku socodka islamarkaasna la furo waddooyinka xiran.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in nabadgelyadu ay ku timaado wadashaqeyn dhexmarta Shacabka iyo ciidamada isaga oo ka dalbaday Shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada.

Amarka Madaxweyne Farmaajo ayaan weli si buuxda u dhaqan galin, inkastoo ay furan yihiin qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, hadana waxaa jira waddooyin weli xiran.

Waddooyinka amarka Madaxweyne Farmaajo kadib xiran ayaa waxaa kamid ah Danwadaagta, qeybo kamid ah Tarabuunka iyo Isgooska faralonsa oo weli ay ku sugan yihiin ciidamada isla markaana ku adkeynayaan gaadiidka shacabka qaarkood.

Amarka Madaxweyne Farmaajo oo qafiifiyay xirnaanshiyada Waddooyinka oo markii hore adkaa ayaa waxaa ka mahadceliyay dadka shacabka ah, wallow ay weli ku baaqayaan in si rasmi ah loo wada furo wadooyinka.

Saraakiisha hay, addaha ammaanka dowladda ayaa sheegay iyadoo la fulinaayo amarka Madaxweynaha in la furay wadooyinka qaar oo ciidamada laga qaaday, halka qaarna ay weli ku sugan yihiin arrimo amni oowgeed.

Dhinaca kale, Dadka reer Muqdisho ayaa dhibaato xooggan ku qabay xirnaanshaha wadooyinka oo wado illaa jidcad ay xireen laamaha ammaanka dowladda oo ka cabsi qaba weeraro Shabaab ay gaystaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this