Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida oo faarujiyay goobihii ay kala kulmeen hujuumka Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa Mareykanka ay gabi ahaan faarujiyeen fariisimo ay ku lahaayen deegaanka Baar Sanguuni oo ku dhow magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa shalay ilaa saaka baneynaayay fariisimaha oo Jimcihii ina dhaaftay ay weerareen maleeshiyaadka al-Shabaab kaa oo dhaliyay khasaaro kala duwan.

Talaabada ay ciidamada ku faarujiyeen deegaanka ayaa waxa ay soo degdegtay wixii ka danbeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab lagu qaaday xerada.

Ciidamada ayaa lagu daad gureynayaa diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca, waxa ayna dadka deegaanka sheegayaan in inta badan deegaanka lagu soo daadiyay ciidamo farabadan oo dusha ka ilaalinaya diyaaradaha ciidamada guraaya iyo gaadiidka ciidamada oo qaarkood isticmaalaya dhulka.

Ciidamada Soomaalida oo tiradooda ay gaareyso 480 askari ayaa iyaguna intooda badan xalay baneeyay deegaankaasi, waxayna uga soo baxeen safar dhanka dhulka ah.

Ciidamadan waxa ay saqdii dhexe ee xalay ku hoydeen meel u dhow Degaanka Yoontooy, oo 20-KM dhanka waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, Ciidamadan ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada al-Shabaab, oo isla xalayba dib ula wareegay gacan ku haynta qeybo kamid ah deegaankaasi.

Dhinaca kale, Shabaabka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay culeys soo saaray Baar Sanguuni, shalay oo ugu dambeysayna waxaa ay ka gaysteen weerar ismiidaamin ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this