Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ay kusoo wajahn yihiin weeraro argagixiso iyo dilal qorsheysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shacabkeeda ugu baaqday inay ka feejignaadan weeraro argagixiso oo kaga imaada dhanka maleeshiyaadka al-Shabaab.

Dowlada ayaa sheegtay inay jiraan maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo gudaha u galay deegaano ka tirsan Gobolada Kenya, sidaa aawgeed la doonayo in lala shaqeeyo ciidamada amaanka.

Charles Owino, oo ah Afhayeen u hadlay Boliiska Kenya ayaa sheegay in al-Shabaab ay si gaar ah u beegsanayaan xarumaha maamulka iyo Saraakiisha muhiimka ah.

Waxa uu afhayeenka sheegay inay ka war hayaan damac al-Shabaab iyaguna ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqyada ay kaga hor tagayaan falalka argagixisada.

Sidoo kale, dowladda Kenya ayaa marar badan ka digtay weerarrada al-Shabaab gaar ahaan Bisha barakaysan ee Ramadaan, markaas oo ay kordheen  weerarrada iyo dilalka qorsheysan.

Dhinaca akle, dhawaan ayay ahayd markii Shan Sarkaal oo ka tirsanayd Ciidanka la dagaallanka argagixisada ee GSU loo yaqaan ay u dhinteen Miino kula qaraxday Gaadiidkii ay wateen degaanka Xaar-xaar oo ka tirsan Libooya Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this