Sign in to follow this  
Deeq A.

Colaada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland oo saameysay bulshada labada dhinac.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Boorame ayaa sheegaya maalinta beri ah inay kusoo wajahan yihiin Caasimadda Puntland ee Garoowe ku dhawaad 20 qoys oo kasoo guuray deegaano ka tirsan Somaliland, ka dib hanjabaad iyo cabsi kasoo wajahdey hadalo ay warbaahinta ka jeediyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.

Guddiga Difaaca Puntland oo maanta Garoowe kula hadlay saxaafadda ayaa uga digey shacabku inay isticmaalaan garoomadda diyaaradaha Somaliland maamusho iyo 824 Ardey oo ay sheegeen inay jaamacaddo ka dhigtaan magaalooyinka Boorame iyo Hargeysa inay si deg deg ah uga soo baxaan goobahaas, ka dib jawaab ay ka bixiyeen guddigu hadal maalmo ka hor kasoo yeerey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

Wariye madax banaan oo jooga Degmadda Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta PUNTLAND POST inay maanta halkaas soo gaareen tiradda ilaa 5 qoys oo uu sheegay inay kasoo guureen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Sidoo kale waxaa jira hadalo hanjabaad ah oo ay isdhaafsanayaan in badan oo ka mid ah bulshada labada dhinac iyo taakulo ay la garab taagan yihiin ciidamada weli isku horfadhiya deegaanka Tuko-raq oo dagaaladii ka dhacay ay ku dhinteen tiro ka badan 60 askari oo ka kala tirsan labada dhinac.
 
Colaadda Puntland iyo Somaliland ayaa iminka u muuqaal ekaatay mid saameysay isdhexgalka bulshada labada dhinac sida arrimaha ganacsiga,waxbarashada iyo deegaanka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Colaada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland oo saameysay bulshada labada dhinac. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this