Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo Sawirro laga soo qaaday Ismiidaamintii manta lagu qaaday Xerada ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin duleedka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Ismiidaamin ahaa oo galinkii danbe ee maanta ka dhacay Deegaanka Baar Sanguune ee duleedka Magaalada Kismaayo gaar ahaan Xerada ay halkaa ka degan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska.

Weerarkaan oo loo adeegsaday Gaari Caasi ah ayaa waxaa fuliyay ruux isa soo miidaamiyay oo ka tirsanaa al-Shabaab kaa oo ka dhacay meel Qiyaastii 50 Km ujirta Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlaayay rasaas xoogan oo aan la ogeyn hadii ay jirto Khasaare ka dhashay.

Gaariga ayaa inta uusan Qarxin ka hor waxaa ka shakiyay ciidamada Kumaandooska ee ilaalada ka ahaa xerada kuwaa oo ooda kaga qaaday rasaas badan, waxaana xigay Qaraxa ismiidaaminta ah.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in ku dhawaad 5 Askari uu waxyeelo kasoo gaaray Qaraxa, waxaana suuragal ah in Khasaaraha uu intaa kasii bato, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha ciidamada dowlada ee ka howlgala Jubbooyinka.

Wararkii u dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan,waxana xusid mudan in saldhigaas uu yahay kii shalay lagu dilay askar ka tirsaneyd Ciidamo Mareykan ah o Sldhigaasi ku sugan.

Qarax-1-1.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 Qarax-2-1.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 Qarax-3.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 Qarax-4.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 Qarax-5.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 Qarax-6.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 Qarax-7.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 Qarax-8.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 Qarax-9.jpg?resize=696%2C392&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this