Sign in to follow this  
Deeq A.

Digniino dhanka amaanka ah oo laga soo saaray Somalia & Weeraro argagixiso oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraala oo kasoo baxay dalka Britain ayaa waxaa lagu sheegay in dowladu ay muwaadiniinteeda uga digeyso inay joogitaanka iyo u safarka Somaliland.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in muwaadiniinta Britain looga digaayo inay u socdaalan dhulka Somalia, deegaanada maamulka Somaliland iyo wadamada Ethiopia, Kenya, Djibouti, Masar, Sudan, Imaaraadka, Yemen iyo kuwo kale.

Qoraalka oo kasoo baxay xafiiska Arrimaha Dibedda Britain ayaa waxaa lagu xaqiijiyay inay jirto Khataro dhanka amaanka ah, sidaa aawgeed muwaadiniinta looga digaayo u safrida dalalkaasi.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in muwaadiniinta ay la kulmi karaan khatar dhinaca Ammaanka, falal dhac, Afduub iyo Argagixiso, waa sida hadalka loo dhigay.

Waxaa si gaara loogu sheega inay suuragal tahay inay dhacaan weeraro ismiidaamin, weeraro toosa iyo kuwo gaadmo ah.

Waxaa uu ka digay dhamaan Socdaalka lagu tegayo Somalia, oo ay ku jirto Somaliland, waxaana lagu yiri “Muwaadin kasta oo British ah ee ku sugan Hargeysa ama Berbera ee uusan Safarkiisa muhiim ahayn waa inay isaga soo tagaan” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Sababta muwaadiniinta looga mamnuucayo socdaalka ayaa waxaa lagu sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay wadaan qorsho ay ku fulinayaan weeraro Argagixiso oo ka dhan ah Reer Galbeedka ku sugan Muqdisho, Somaliland iyo qeybaha kale ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalkan ayaa muujinaaya inay jiraan cabsiyo la xiriira dhanka amaanka, waxa uuna kusoo beegmayaa iyadoo ay Dowlada Somalia xirtay inta badan waddooyinka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this