Deeq A.

Wararkii Ugu Danbeeyay Tukaraq Jabuuti iyo Itoobiya Wada Dhaqdhaqaaq Culus,

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilo xog-ogaal ah oo Muqdisho ku sugan waxay xaqiijiyeen in ay socdaan dadaalo ay laba dal oo Soomaaliya la daris ahi midba dhinaciisa ka wado arrimaha ku saabsan colaada ka taagan Turkaraq iyo Sidii dagaal halkaasi ka qarxa looga baajin lahaa, markii la arkay sida labada dhinaca ee isku horfadhiyaa isugu habar wacdeen.

Labadan dal oo kala ah Jabbuuti iyo Itoobiya ayaa mid waliba dadaal wuxuu ka wadaa sidii labada ciidan loo kala qaadi lahaa, waxaana lagu wadaa xubno ka socda Itoobiya ay u kala dabqaadaan Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa, iyaga oo ku soo hormari doona Muqdisho si aanay ugu muuqan in arrimaha gudaha Soomaaliya ka socda dawladda Federaalka la garab marayo.

Jabbuuti ayaa dhinaceeda doonaysa in ay wadahadal labada dhinac isugu keento, si aanu mar kale dagaal uga dhex qarxin labada dhinaca ee isku horfadhiya Tukaraq.

Muuse Biixi ayaa dhawr jeer ku celceliyey in aanu halka ay joogaan soo dhaafi doonin, dhinaca Puntland ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan, waxaana dhawr jeer oo hore burburay wadahadal uu safiirka Maraykanka iyo ergayga Qaramada midoobay dhexdhexaadinayeen, dhinaca Puntland ayaa markasta sheega in aanu dagaalku joogsanayn ilaa ay ka gaadhayaan deegaanka Oog.

Wadahadalka hadda socda ayaa waxa Ilaha xog-ogaalkahi sheegayaan in ay ku qotomaan in la kala tago Ganbadhe Iyo Godqaboobe, Tukaraqna noqoto goob aan cidi joogin, arrintan oo Muuse Biixi soo dhaweeyey, Cabdiwali Gaasna aanu diidanayn, hasa yeeshee ay madaxweyne ku xigeenka Puntand Cabdixakiim Camay uu arrintan aad u diidan yahay, sheegayna in aanu dagaal baaqanayn ilaa ay Somaliland ku noqoto Oog, wuxuuna sheegay Camay in ay xuduudu tahay Labida Gaatama oo ah deegaanka wadaamo-goo.

Labada aragtiyood ee la kala taagan yahay ka sokow waxaa deegaanka Tukaraq laysugu keenay ciidamo tiro badan oo sida la saadaalinayo ramadaanka ka dib ay adag tahay sida laysu gafo.

Dawladda Itoobiya oo labada dhinac ee hadda is horfadhiya raad weyn kuleh ayaa u muuqata in ay doonayso in halkii la kala joogay intaan Tukaraq la qabsan lagu kala noqdo, Jabuuti ayaa iyaduna danaynaysa in ay arrintan natiijo ka gaadho.

Golaha ammaanka ayaa isaguna warbixin uu Tukaraq ka soo saaray ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya in ay dagaalada joojiyaan wadahadalna galaan, iyada oo dareenku yahay in dagaal halkaasi ka qarxaa noqon karo mid lagu riiqdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.