Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Carruurta Shaqaalaha rayidka & Ciidamada oo u muuqda kuwo aan ciidi doonin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno qaar kamid ah shaqaalaha dowlad ayaa sheegaya in dowladu aysan wali bixin musharaadka shaqaalaha.

Shaqaalaha rayidka iyo ciidamada dowlada oo inta badan u dhabar adeega duruufaha dhaqaale ee heysta dowlada ayaa haddana waxaa walaac laga muujinayaa mushaar la’aanta xili ay fooda nagu soo heyso ciida.

Shaqaalaha iyo ciidamada oo inta badan ay ku dhacdo xuquuq la’aan ayaa waxa ay iminka carruurtooda wajahayaan ciid la’aan, iyadoo suuqyada magaalada Muqdisho iyo gobolada ay buux dhaafiyeen kumanaan carruura oo loo iibinayo adeegyada ciida.

Qaar kamid ah shaqaalaha rayidka iyo ciidamada oo siyaabo kala duwan aan uga wareysanay arrintan ayaa sheegay inaan lasiin xuquuqdii ay lahaayen.

Farxaan Nuur oo ku magac dheer (Carab) kana mid ah shaqaalaha rayidka ayaa sheegay inay ku xiriiran carruur dhan afar, hase ahaatee uusan xiligaan u heyn dhaqaalihii uu ugu iibin lahaa adeegyada ciida.

Waxa uu sheegay in marka hore uu mushaarka ahaa mid dhif ah, hadana ay u muuqato inay u raaci doonto farxad la’aan, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Cusman Cali oo kamid ah ciidamada dowlada ayaa isna sheegay inaanu weli helin mushaarkiisa xili ay fooda kusoo heyso maalinta ciida.

Axmed Cusmaan oo dhibta heysata ka hadlaayay ayaa yiri ‘’Ma jiraan mushaar aan qaadanay anigu waxaa igu xiriira laba carruur ah oo aan dhalay waa dareemi kartaa cida u maqan oo ay sugayaan inaan aniga ahay’’

‘’Shaqsi ahaanteyda ma helo Mushaar aan aheyn kan dowlada ee aan ku qaato adkeynta amniga, waxaan rajeynayaan inaan farxad la’aan la dhigin carruurta shaqaalaha dowlada’’ ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia oo inta badan sheegta inay bixiso mushaaraadka shaqaalaha ayaa iminka u muuqaneysa mid ay ku adag tahay xaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this