Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka MUQDISHO oo marti galinaaya Ciid aan farxadeeda wadan (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa gabi ahaan xiran laamiyada iyo waddooyinka waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kadib markii la dhigay ciidamo farabadan.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa qaarkood jooga ciidamo ka tirsan Xasilinta, halka qaarna lagu jaray gaadiidka dagaalka xili dadka reer Muqdisho ay ku guda jiraan u diyaar garowga ciidda.

Waddooyinka kasoo baxa xaafadaha ee gala laamiga Makka al-Mukarama iyo kuwa kale ayaa iyaguna lagu gooyay carro tuur si aanu uga soo talaabin gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Waddooyinka xaafadaha ee qarda jeexa ah ayaa waxaa sidoo kale jaray roobab waayadaani ka da’aayay magaalada Muqdisho, kuwaa oo aysan ku dhiirankarin gaadiidka.

Inta badan wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa la arkayaa iyadoo ay hareeraha ka socdaan hooyooyin gacanta haya carruurtooda, kuwaasi oo u kaxeynaya Suuqa, islamarkaana lugeynaayo, waxayna taasi muujinaysa sida dowladda ay u kala xirtay wadooyinka.

Walow ay jiraan qataro dhanka ammaanka ah oo ku aadan falal Shabaab ay ka gaystaan Magaalada gudaheeda, ayaa haddana dowladda waxa ay muujisay sida aysan ugu tureyn shacabka.

Ciidamada dowladda ee xirtay waddooyinka ayaan hab wanaag ula dhaqmeynin dadka shacabka ah ee isticmaalaya waddooyinka kala duwan, maadaama lagu guda jiro xili ciid ah.

Sidoo kale, dadka reer Muqdisho ayaa marti galinaaya ciid aan farxadeeda wadan, taa oo sababi karta in Dowlada Somalia ay ku weyso shacbiyadii ay u hayeen shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xirnaanshiyaha waddooyinka u dheer shacabka rasaas ay kala kulmaan ciidamada amaanka, hase ahaatee aanu jirin cid arrintaasi ka hadasha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this