Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyay tirada ciidamada laga dilay  & kuwa looga dhaawacay weerarkii K/ Somalia (Akhriso tirada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyad al-Shabaab ayaa mar kale weerar xoogan ku qaaday ciidamo Mareykan ah oo caawinaayay kuwa dowlada Somalia.

Weerarkan oo ka duwanaa kuwii hore ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Sanguuni ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarka looga dilay hal askari oo Maraykan ah, sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay afar askari oo maraykan ah.

Khasaaraha soo gaaray ciidamada dowlada Somalia ee caawinaayay kuwa Mareykanka ayey ku sheegen ugu yaraan laba askari oo ku dhimatay weerarka.

Ciidanka Maraykanka ayaa waday hawlgal ay ku taageerayeen ciidmada Soomaaliya ee dagaalka kula jira al Shabaab.

Mid kamid ah Saraakiisha ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada askariga Maraykanka ah iyo dhaawaca afar askari oo maraykan ah.

Sarkaalkan waxa uu sheegay in Ciidamada Soomaaliya iyo askarta Maraykanka ah ee caawinayay ay xiliga weerarka ku gudjireen in ay dhufayso qotaan iyaga oo difaacooda xoojinayay xiliga ay al Shabaab la beegsadeen weerar kadis ah.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in dhaawacyada iyo Meydadkooda ay goobta uga qaateen diyaarado khaas ah maadaama ay dhulka kula dagaalameen Shabaab.

Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa kordhisay  weerarada ay qaadayan tan iyo bilawga bisha Ramadaan iyaga oo sheegtay weerro badan oo xiriir ah oo ka dhacay gobolo kala duwan.

Dhinaca kale, Bishii May ayaa hal askari oo Maraykan ah lagu dilay tuulada Daara Salaam ee Shabeelaha Hoose, Askraigaasi ayaa noqday kii ugu horeeyay ee ciidanka Maraykanka looga dilo Somaaliya tan iyo sanadkii 1993kii xiligaasi oo la soo riday diyaaradii ciidamada Maraykanka ee nooceedu ahaa Black Hawk.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this