Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo war ka soo saaray askartii Mareykanka shalay looga dilay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ka hadlay askari ka tirsan ciidamada Mareykanka oo lagu dilay Somalia.

Madaxweyne Trump ayaa askarigii  Al-Shabaab ay ku dishay duleedka magaalada Kismaayo iyo kuwii ay ku dhaawacday ku tilmaamay halyeeyo.

Madaxweynaha oo hadal qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa uga tacsiyadeeyay ehellada askarigii la dilay isagoona bogsasho deg deg ah u rajeeyay afarta askari ee kale ee weerarka lagu dhaawacay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in weerarkii Al-Shabaab ee ka dhacay deegaanka Sanguuni uu ku dhintay hal askari oo Mareykan ah isla markaana ay ku dhaawacmeen 4 kale.

Ciidamada Mareykanka, kuwa Jubbaland iyo ciidamada Kenya ayaa howlgal ku jira xilligii ay la kulmayeen weerarka waxayna doonayeen in saldhig ay ka sameeyaan deegaanka Sanguuni.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (Africom) ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay weerarka.

Mid kamid ah afarta askari ee weerarka lagu dhaawacay ayaa isla goobta lagu daweeyay halka sadexda kale diyaarad Helicopter ah lagu qaaday.

Askari Kenyan ayaa kamid ahaa askarta weerarka lagu dhaawacay, sida laga soo xigtay saraakiisha milatariga Mareykanka.

Sarkaal si qaas ah howlgalka ula socday ayaa sheegay in askartii ku dhaawacantay weerarka ay xaaladooda tahay mid wanaagsan, isagoo sheegay in lagu daweynayo meel ka baxsan Somalia.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ciidamada la weeraray ay tiradooda gaareysay 800 oo askari oo isugu jiray Somali, Kenyan iyo Mareykan waxana uu intaa ku daray in markii ay weerarka la kulmayeen inay xero milatari sameynayeen.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this