Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Qiso Cajiib ah: Xukun Maxkamadeed Hargeysa Ka Dhacay

Recommended Posts

Hargaysa (Waaheen ):-Maxkamada Degmada Hargeysa ayaa min hal sano oo xadhig ah iyo min hal malyan oo shilin oo Ganaax lacageed ah ku xukuntay laba nin oo walaalo ah oo ka yimid dalka Itoobiya oo sheegay in hilibka lagu qalo caasimada Hargeysa uu xaaraan yahay.

Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Md. C/Rashiid Beer-geel, ayaa saaka Maxkamada kaga dhawaaqay xukunka labadan nin oo la kala yidhaahdo C/Casiis Maxamed Cali oo 25 jir ah iyo Cayni Maxamed Cali oo 20 jir ah, oo uu sheegay in maxkamada horteeda ay kaga cadaatay dambi la xidhiidha inay Ceebaynayeen hilibka lagu qalo caasimada Hargeysa oo ay sheegeen inuu xaaraan yahay oo ay gowracaan dad aan salaada tukanin.

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in labadan nin oo walaalo ahi ay Maxkamada horteeda ka qirteen eeda loo soo jeediyay, waxaanu tilmaamay in xukunkooda loo cuskaday Aayadaha quraanka kariimka ah ee 118 iyo 128 ee Suuratul An-caam iyo Qodobada 70,71,73,75,103,104,108,119,120,121, 68 iyo 149 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

 

Sidoo kale waxay Maxkamadu ku xuntay labadan nin in dalka laga mastaafuriyo oo lagu celiyo dalka Itoobiya marka ay soo dhamaystaan xukunkan maxkamadda.

 

Waxa kale, oo Maxkamadu isna ku xukuntay Sh. Xasan Mukhtaar, isagoo maqan hal sano oo xadhig ah iyo hal malyan oo shilin oo ganaax ah iyo in dalka laga mastaafuriyo ka dib markii lagu helay inuu labadan nin ku dhaliyay fikirkan.

 

Nimankan la xukumay ayaa ahaa macalimiin madarasad ku taalla magaalada Hargeysa waxaanay ardayda ay wax baraan ku wacyi geliyeen in hilibka lagu qalo magaalada Hargeysa uu xaaraan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

in maxkamada horteeda ay kaga cadaatay dambi la xidhiidha inay Ceebaynayeen hilibka lagu qalo caasimada Hargeysa oo ay sheegeen inuu xaaraan yahay oo ay gowracaan dad aan salaada tukanin.

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Oromo miyaa, maxaa Ethiopia loogu celiyey?

 

Ps. haddey run tahay oo dad aan Salaadda tukan gawracaan xoolaha sow in arrintaa wax laga qabto ma wanaagsana?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this