Sign in to follow this  
SOO MAAL

Professor Ali Khalif Galayr made an important speech in Nugaal University (Las-anod)

Recommended Posts

SOO MAAL   

Muxuu Cali Khalif ka sheegay Jaamacada Nugaal Aniga iyo C/qaasim waxaa nalu xaman jiray Dhabcaal nimo Fule Xantii ma Mooga

 

Hadaladii Dr Cali Khaliif

 

 

Halkan ka Dhegayso Khudbadii Dr Cali Khaliif shirra.jpg

 

Gall5.jpg

 

Gal2.jpg

 

Gal3.jpg

 

Gal.jpg

 

Gall4.jpg

 

Prof Cali Khaliif Galaydh Ayaa Galabta Khudbad Qiima Leh Ka Jeediyey Jaamacadda Nugaal Ee Magaalada Laascaanood.

 

 

May 13, 2006 By:C/Casiis Saleebaan Axmed

 

Laascaanood(Radiossc.net):-Prof Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah wafuudda u timi Magaalada Laascaanood ka qayb-galka Caleema saarka Garaad Jaamac, ayaa galabta Ardayda iyo Macallimiinta Jaamacadda Nugaal u jeediyey Khudbad qiimo badan.

 

 

Prof. Cali Khaliif Galaydh oo ay weheliyeen aqoon-yahanno ay ka mid ahaayeen Eng Faarax Sugaal, C/risaaq Khaliif Axmed, Dr Abu Shayba, Dr Axmed Saciid Cumar ayaa 4 galabnimo soo gaadhay Xarunta Jaamacadda, waxaanu Prof ugu horrayntii kulan la qaatey Hurmuudka Jaamacadda Dr C/raxmaan Xaaji Saalax oo halkaasi warbixin ku siiyey Prof-ka.

 

Dr C/raxmaan Xaaji Saalax ayaa ugu xog warramay Prof-ka xaaladda Jaamacaddu haatan ay ku sugan tahay iyo sidii ay ku bilaabantey, waxaanu xusay in Hawsha Jaamacaddu tahay mid bilaw ah, dhiirri galin iyo gacan qabashana ay uga fadhido Aqoon-yahanka Deeganka, isagoo xusay kaalinta wax ku oolka ahayd ee Prof Xayd ka qaatey Jaamacadda.

 

Ugu Danbayntii waxaa uu Prof Cali Khaliif Galaydh booqday Maktabadda Jaamacadda oo ay yaaleen buugaag fiican, balse sida uu Dr C/raxmaan sheegay u baahan in la soo badiyo, intaas kadib waxaa uu Prof-ku khudbad qiimo badan oo uu dhinacyo badan uga hogo tusaaleeyey Aradayda iyo Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda, ka jeediyey Munaasibaddaas.

 

 

 

Prof Cali Khaliif waxaa uu ku dheeraaday Aqoontu faai’dooyinka ay bulshada u leedahay iyo sida loogu kala hormaray, isagoo ammaan u jeediyey dadka Jaamacaddan iyo kuwo kale oo ka jira Soomalaiya hirgaliyey.

 

 

 

Isagoo arrintaas ka hadlayanaya waxaa uu hadalkiisii ku bilaabay Profku â€waxaan aad ugu farax-sanahay inaan maanta khudbada ka jeediyo Jaamacadda ku taal Magaalada Laascaanood, waxaana jeclahay inaan wax ka tab taabto Aqoontu doorka ay ku lee dahay Mushtamaca, iyo Jaamacaddu doorka ay kulee yihiin Aqoonta".

 

 

 

“Waxaan qabaa in Aqoontu tahay furaha bulsho ku horumarto, maantana dunidu ku kala hormartey, Aqoontu waa Xadaarad,I s xukun, xorriyad, sinnaan iyo kala danbayn".

 

 

 

“Aqoon la’aantu waxay keentaa burbur iyo Nimaad aan fadhiyin, waxaa hubaal ah in arrinta Soomaliya haleeshay ay tahay Aqoon la’aan, taasi oo ina gayeysiisay in Dawladdii dhammayd hal mar la waayoâ€

 

 

 

Ugu danbateyntii Prof-ku waxaa uu sheegay in uu itaalkiisa gacan ka gaysan doono, aqoon yahayno Boqollaal ka badani ay deegaanka u dhasheen, diyaarna u yihiin in yimaaddaan, Caruurahooda keenaan, balse loo baahan yahay in Nimaad iyo Nabad Galyo la helo, taasi oo suurta galin karta in Gobolka iyo guud ahaan SSC ay horumar deg deg ah ku tallaabsadaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

C/Casiis Saleebaan Axmed

 

Radiossc.net

 

Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this