Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladaha Somalia & Jabuuti oo isku raacay in ay iska kaashadaan Xoojinta Ammaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Khayre_Kaamil_Shir_Jabuuti-2.jpg?resize=Jabuuti (PP) ─ Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Xasan Cali Khayre oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Kulanka intii uu socday ayaa isla gartay in labada dal ay iska caawiyaan arrimaha ay ka mid yihiin Xoojinta ammaanka, Hagaajinta xariirka arrimaha dibadda, ka faa’iideysiga Kheyraadka iyo in Jabuuti ay Soomaaliya ka taageerto dhanka Isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ka sheekeeyay wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dawladood, waxa uuna walaalaha Jabuuti ku bogaadiyay sida ay mar walba u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay tahay abaal ay u hayso dawladda Soomaaliya mar walba aan ka go’i doonin qalbiyada Shacbiga Soomaaliyeed.

Kulanka ay yeesheen labada Ra’iisul wasaare waxaa goob joog ahaa xubnaha wafdiga Ra’iisul wasaare Khayre oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale, iyada oo dhanka Jabuuti ay uga qeyb galeen Wasiirada Wafaafinta iyo Isgaarsiinta, Gaashaadhingga iyo arrimaha Dibadda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre iyo Wafdigiisa ayaa kulanka kadib booqday xarunta Fiber optica ee dalka Jabuuti.

Khayre_Kaamil_Shir_Jabuuti-1.jpg?resize= Khayre_Kaamil_Shir_Jabuuti-3.jpg?resize= Khayre_Kaamil_Shir_Jabuuti-4.jpg?resize=

PUNTLAND POST

The post Dawladaha Somalia & Jabuuti oo isku raacay in ay iska kaashadaan Xoojinta Ammaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this