Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan Somaliland“Tuka-raq iska-daaye,Awdal buu nagu haystaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somaliland oo shir jaraa,iid ku qabtey magaalada Boorame ayaa eedeymo kulul u jeediyay Xukuumadda Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi ka dib markey  ku dhaliileen arrimo dhul boob iyo xukun cadaalad daro” “Tuka-raq iska-daaye,Awdal buu nagu haystaa Muuse Biixi”

In ka badan toboneeyo Xildhibaan oo kasoo muuqday goobta shirka ayaa sheegay in lagula kacay dadka iyo deegaanka ay kasoo jeedaan falal ka dhan ah xuquuqda bini,aadamka islamarkaana ku qotomo qabyaalad,eex iyo dhac deegaan.

Waxay dhambaal u direen Xildhibaanada ka hadlay Boorame Soomaalida kale iyo Beelaha degan deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.

Muddo yar oo laga joogo doorashadii Madaxweyne Muuse Biixi waxaa soo wajahay Somaliland kacdoono qabaa,il,jahwareer xagga siyaasadda iyo khilaaf dagaalo ka dhex qarxay maamulka ay dariska yihiin ee Puntland.

Goordhaw Daawo Shirka Xildhibaanada.

 

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Xildhibaano ka tirsan Somaliland“Tuka-raq iska-daaye,Awdal buu nagu haystaa” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this