Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula Kulmay Ergayga QM ee Arrimaha Siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Farmaajo-Ergayga-QM-1.jpg?resize=816%2C5Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu qaabilsan arrimaha siyaasadda, Rosemary dicalro oo uu wehliyey ergeyga QM ee Soomaaliya.

Farmaajo iyo Rosemary Dicalro, ayaa ka wada hadlay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ka wado dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo Siyaasadda oo uu Madaxweynaha dalka uu la wadaagay wafdiga ka socday QM.

Sidoo kale, Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Rosemary Dicalro ayaa sheegtay in dawladda Somalia ay sameysay horumar muuqda, waxayna ballan-qaaday Qaramada Midoobay in ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, waa booqashadeydi ugu horeysay tan iyo markii aan noqday  Kaaliyaha xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha siyaasadda, Waxaan halkan u imid inaan muujiyo sida Soomaaliya ay muhiim ugu tahay Qaramada Midoobay, waxaan wada hadalo wanaagsan la yeelanay Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo aan uga hadalnay arrimaha Dastuurka, Nabadda iyo shirkii Golaha Amniga Qaranka,” ayuu tiri Rosemary Dicalro.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xoogga saartay arrimo muhiim ah oo ay ku jirto horumarinta siyaasadda, taasi oo ay ugu dambeysay shirkii Baydhabo ay ku yeesheehn Golaha amniga Qaranka.

Farmaajo-Ergayga-QM-2.jpg?resize=816%2C5 Farmaajo-Ergayga-QM-3.jpg?resize=816%2C5

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula Kulmay Ergayga QM ee Arrimaha Siyaasadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this