Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sidee ayuu u dhacay kulanka Madaxweyne Geelle & RW Xasan Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo khamiis ah magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa kulanka maanta ku wehlinayay Wasiiro ay kamid yihiin Arimaha Dibadda, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa inta uu kulanka socday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle warbixin ka siiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Somalia, Amniga, Siyaasada iyo La-dagaalanka Kooxaha argagixisada ah ee al-Shabaab.

Kulanka waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday heshiis labada dal ay dhawaan ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti, kaasi oo ay u kala saxiixeen Wasiirada Arimaha Dibadda Jabuuti iyo Soomaaliya.

Kheyre ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahad celiyey garab istaaga iyo taageerada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku amaanay dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan sidii Soomaaliya markale ay cagaheeda ugu istaagi laheyd.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maanta la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu ahaa mid aad xasaasi u ah, waxaana diirada lagu saaray cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dal.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah Wadamada ay Ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo dowladda ku caawiya sidii ay Al-shabaab uga adkaan laheyd.

Geele-1.jpg?resize=696%2C404&ssl=1

Kheyre-iyo-Jabuuti-1.jpg?resize=696%2C46 khe-gele3-630x420.jpg?resize=681%2C454&s Kheyre-iyo-Cawad-1.jpg?resize=675%2C450&

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this