Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada oo lagu weeraray Muqdisho & Khasaaro ka dhashay weerarka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Somalia.

Weerarka ayaa ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hiliwaa ee Gobolkaan Banaadir, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Gaariga la weeraray oo noociisa lagu sheegay ‘’Noha’’ ayaa maraayay inta u dhaxeysa xaafada Suuqa Xoolaha iyo Isgoyska SOS ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan dalcada maalin Taajir.

Gaariga ayaa gabi ahaan gubtay kadib markii rasaas ooda looga qaaday gaariga iyo ciidamadii la socday,waxaana gaariga iminka damiyay gurmad ka imaaday maamulka Degmada.

Maleeshiyada weerartay gaariga ayaa la socday gaari nooca raaxada ah, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamadii la socday gaariga qaarkood la dhigay xarumo caafimaad oo aan meesha ka fogeyn.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in laba kamid ah ciidamadii la socday gaariga ay u geeriyooden dhaawaca kasoo garay rasaasta.

Sidoo kale, weerarka kadib ayaa waxaa halkaa gaaray ciidamo ka tirsan dowlada oo halkaa ka qaaday dhaawacyada ciidamada liitay ee la socday gaariga la weeraray.

Ma cadda sababta ka danbeysay weerarka gaariga, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada la weeraray ay ka tirsanaayen Nabad sugida, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this