Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’ado cusub ka faa’iideysan doona Mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir ballaaran oo looga arrinsanayey barnaamijka dib u qaabaynta iyo dib u casriyaynta Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda Puntland oo ay iska kaashanayeen Wasaaradda Shaqa iyo Mashruuca tayanta shaqaalaha ee CIP ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland.

Waxaana kasoo qayb galay kulanka 20 kamid ah xarumaha dawladda oo isugu jira Wasaaradaha iyo Hay’adaha madax bannaan ee dawladda Puntland kuwaas oo dhammaantood lagu samayn doono dib u qaabayn si’ay u noqoto mid la jaanqaadi karta nidaamka cusub ee hay’adaha dawladda.

Dhammaan hay’adahaan dib u qaabayn lagu samaynayo ayaa mid walba waxaa dib loo raacayaa xeerkii lagu aas-aasay si loo kala saaro waajibaadka shaqo ee hay’adaha dawladda isla markaana ay shaqadu u noqoto mid kala qeexaan.

Kaddib marka ay soo dhammaato barnaamijkaan dib u qaabaynta ayaa waxaa la qorshayn in qaar kamid ah 20-kaan hay’adood ay qayb noqon doonaan hay’adaha ka faaiideysanaya Mashruuca tayaynta shaqaalah ee CIP.34258878_450222285404969_900803446696627 34583545_450222362071628_880908156595181 34584587_450222688738262_717255510611669 34585047_450222142071650_454644770287910 34605182_450222182071646_561002228702248 34625179_450222245404973_103272710682129 34664334_450222405404957_847637381415279 34700238_450222838738247_127713571260858 34711253_450222628738268_751092856831921 34718381_450222808738250_566358506468907 34741790_450222215404976_266091993853276 34743678_450222755404922_243884249980495 34809144_450222562071608_226982187871135

The post Hay’ado cusub ka faa’iideysan doona Mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this