Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: 9 Qodob oo muujinaya in Shirka Golaha Amniga Qaranka uu yahay fadhi ku dirir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dhaliilo hordhac ah ayaa waxa ay ka imaanayaan qodobada kasoo baxay shirka Golaha Amniga ee lagu soo afmeeray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Dhaliilaha ugu badan ayaa ah in shirkaasi uusan laheyn mirro dhal, balse uu yahay mid aan dhaafsiisaneyn halka uu ka dhacay.

Dadka qaar ayaa qaba inuu yahay mashruuc lagu indha sarcaadinaayo adduunka, hase ahaatee uusan laheyn horu socod.

Qodobadii kasoo baxay shirarkii ka horeeyay kan iminka kusoo xirmay Baydhabo ayaan weli la dhaqan galin, waxa ayna taasi iftiimisay in shirkaani uusan waxba ka duwaneyn kuwii hore.

Dowlada Somalia iyo Maamulada ka jira dalka ayaa shirkaasi u wada qabsada si wada jir ah, waxaana xusid mudan in mid waliba uu aad u dhaliilsan yahay kan kale, balse laga mideysan yahay in la shiro oo kaliya.

Haddaba anagoo dhinacyo badan ka eegeyno shirarkii hore iyo kan hadda ayaa waxaan kusoo koobnay 9 qodob oo muujinaaya in shirka Baydhabo uu yahay mid fadhi ku dirir ah:

 

1- Guddiga amniga Qaranka oo u kala janjeera dowladaha is diidan ee Khaliijka. (DF oo Qatar taabacsan iyo maamulada oo ku garab ah Imaaraadka).

2- Guddiga amniga Qaranka oo aan laheyn yool Siyaasadeed heer Qaran ah, waxa ayna u muuqdan kuwo hankooda uu ku kooban yahay ilaalsiga xilkooda (Saldanadooda).

3- Guddiga amniga Qaranka oo aan laheyn marjac Qarameed loolabto, wuxuuna u muuqdaa mid 100% shabaha Golihii sare ee kacaanka (GSK).

4- Guddiga amniga Qaranka, waxa ay is hoga tusaaleeyen Siyaasad khiyaali ah, iyagoo sheegay inay diyaarinayaan shaxda doorashada ee sanadka 2020, xili ay ka dhamaan la’yihiin Khilaaf Siyaasadeed oo joogta ah.

5- Isqancinta xubnaha Golaha amniga Qaranka, marka dib loo jaleeco kulamadii ka horeeyay shirka Baydhabo waxaa ka muuqatay daldaloolo dhinaca ajandaha looga hadlaayay.

6- Daah-furnaan la’aanta kulamadooda, Hogaamiyayaasha Soomaalida ee xiligaan waxa ay ka didaan warbaahinta oo ay ku eegaan il cadowtinimo una dhiganta saska ay ka qabaan al-Shabaab.

7- Hogaamiyayaasha ku mideysan Golaha amniga Qaranka oo aan raali ka aheyn in tabin toosa lagu sameeyo kulamadooda.

8- Dadweynaha oo aan loo ogoleyn inay aragti ku yeeshaan shirka, waxa uuna u muuqanayaa afduubasho lagu sameynaayo Umaddii la maamuli lahaa.

9- Madaxdu waxa ay u muuqdaan kuwo u dhaqma sida indha ku garaadle, waayo ajandayaasha ay ka hadlayaan kama turjuma wadaniyad, waxaana nadir ku ah inay kulamadooda ay kaga hadlaan ‘’Midnimada Qaranka’’ iyo sida lagu qancin lahaa walaalaha irdhoobay ee Somaliland.

Shirka Baydhabo waxa uu mar waliba qabsoomaa iyadoo qodobadii kasoo baxay shirarkii hore aan la dhaqan galin, waxaana xusid mudan in inta badan shirarka ka dhacay Somalia uu yahay mid shabaha mashruuc.

Haddaba shirka Golaha amniga Qaranka waxaan ku micneyn karnaa oo aan la barbar dhigi karnaa heestii aheyd ‘’Shinbiryahow heesa’’ maadaama magaalada Muqdisho iyo Gobolada ay ka dhacaan dilal iyo Qaraxyo, xili amniga looga dodo si joogta ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this