Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu yahay qorshaha safar ee RW Kheyre uu ku tagay dalka Djibouti? (Akhriso 2 qodob)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khyre iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaaladda Jabuuti ee dalka Djibouti.

Ra’isul wasaaraha ayaa goortii uu gaaray Jabouti waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay dhigiisa Jabouti iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumada dalkaasi.

Ra’iisul Kheyre oo ay la socdeen wafdi ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Axmed Ciise Cawada, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo mas’uuliyiinta wehlineysa ayaa la qorsheynayaa in booqasho labo cisho ah ay ku joogan magaaladda Jabouti oo ay u aaden howlo gaara.

Waxa uu Kheyre maanta oo Khamiis ah kulan la qaadan doonaa  Madaxweynaha dalka Djabouti Ismaaciil Cumar Geele, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xiriirka wadashaqeynayd ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dawladda Jabuuti ka wado gudaha Soomaaliya.

Kheyre ayaa Madaxweyne Geelle hordhigi doona dalab dhanka Saanad Militery ah, si ay Dowlada Somalia ugu kabto duullaan la doonaayo in lagu qaado Saldhigyada al-Shabaab ee Gobolada dalka.

Madaxweyne Geelle, ayaa horay dowlada Somalia ugu ballanqaaday inay ka saaci doonto dhanka saanada, waana tan iminka keentay inuu Kheyre u duulo dalkaasi.

Sidoo kale, Kheyre ayaa Madaxweyne Geelle kala hadli doona qorsho la sheegay in Dowlada Somalia ay ku dooneyso inay ku aqbasho Shirkada DP World ee la wareegtay Dekadda Berbera.

1-5.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 2-5.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this