Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaaro xoogan geystay oo ka dhacay deegaanka Deynuunaay + Khasaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka ay maleeshiyaadka al-Shabaab weerar ku qaaden degaanka Deynuunaay.

Deeganka Deynuunaay oo ay maleeshiyada ku qaaden weerarka ayaa qiyaastii 26-KM u jira Magaalada Baydhabo, waxaana halkaa ku yaalla Saldhigyo ciidan oo dhowr ah.

Maleeshiyaadka ayaa la xaqiijiyay in weerarka ay kasoo qaaden dhanka Koonfureed ee deegaanka Deynuunay waxa ayna weerar gaadmo ah ku qaaden Xarumo ku yaalla deegaanka oo ay ku sugnaayen ciidamo ka tirsan DFS.

Ciidamada Dowlada iyo maleeshiyaadka ayaa waxaa halkaa ku dhexmaray dagaal xoogan oo saacado qaatay, waxaana lasoo sheegayaa in sidaa ay Shabaabka kula wareegen deegaanka.

Qoraal ay maleeshiyada shabaab ku qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxaa lagu sheegay inay la wareegeen degaanka Deynuunay.

Maleeshiyada waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Sanado Millitari oo ay lahaayeen Ciidanka dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

Sidoo kale, Saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Deynuunaay ayaa beeniyay in al-Shabaab ay la wareegtay deegaanka.

Waxa ay sheegen inay iska caabiyeen isla markaana ay ka dileen dhalinyaro dhowr ah oo kamid ahaa kuwa soo qaaday dagaalka.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay inkabadan Todobo ruux oo kala taabacsan labada dhinac, halka dhaawacana lasoo sheegayo inuu gaaray ilaa Shan.

Dhinaca kale, weerarkan ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhowr jeer ay al-shabaab weerar ku qaaday degaanka Deynuunay oo ay ku sugan yihiin Ciidan Millitari ah iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this