Sign in to follow this  
Deeq A.

Culimo kula saftey Somaliland dagaalka Tukaraq iyo Eedeyn loo jeediyay Culimada Punland

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah culimadda Somaliland oo kulan magaalada Hargeysa kula qaatey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ku garab istaagay Xukuumadda Hargeysa dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ka dib markey ku eedeeyeen Puntland inay soo weerartey dhulka Somaliland.

Wadaad caana fariisin ku leh magaalada Boorame oo ka hadlay xafladda ayaa si gaar ah talooyin ku saabsan colaadda ka jirta Tukaraq usoo jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku qanciyay in cid kasta ogtahay in looga gardaran yahay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Hadalka Shiikha ayaa noqonaya mid waji ka duwan leh habkii ay uga hadleen culimada Puntland colaadda u dhaxaysa labada maamul ee dariska oo hab dhexdhexaadnimo ay ku muujinayaan uga hadlay mar sii horeysay baaq ay u direen Puntland iyo Somaliland.

Dhinaca kale waxaa ka hadlay munaasabada saaxiibka dhaw ee Madaxweynaha Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo weerar afka ah ku qaadey shacabka Garowe iyo culimo udiinka Puntland ka dib markii uu ku eedeeyay inay dagaalka Tukaraq kula safteen Xukuumadda Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Daawo.

Abshir Dhiirane.

PUNTLAND POST

The post Culimo kula saftey Somaliland dagaalka Tukaraq iyo Eedeyn loo jeediyay Culimada Punland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this