Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay siduu Akro Qodobbadii kasoo baxay shirkii Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Axmed_Madoobe-Shirkii_Baydhabo.jpg?resizKismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa ka hadlay Qodobadii kasoo baxay shirkii golaha Amniga ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-gabeed.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo qodobadii kasoo baxay shirka loona baahan yahay in dhammaan madaxda Dowladdda iyo kuwa Dowlad-goboleedyada ay ka shaqeeyaan dhaqan gelintooda.

Sidoo kale, Axmed Madoobe wuxuu sheegay in la xoojiyo Qodobbada amniga iyo siyaasadda oo uu ku sheegay inay ahaayeen qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka kasoo baxay.

“Qodobbadii kasoo baxay shirkii Amniga ee Baydhabo lagu qabtay waxay u yihiin guul Soomaali oo dhan, waxaana ku talinayaa in laga shaqeeyo sidii loo dhaqan-gelin lahaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Axmed Madobe ayaa ku baaqay in laga wada-shaqeeyo sidii loo heli lahaa xasillooni siyaasadeed iyo midnimada umadda Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay tahay tan ugu muhiimsan ee ay doonayaan inay ka hir-gasho waddanka oo dhan.

Shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Baydabo ayaa qodobbadii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo in doorashada dhacaysa sannadka 2020-ka ay noqoto mid qof iyo cod ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu Kismaayo ku qabtay, kaddib markii uu maanta dib ugu laabtay halkaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay siduu Akro Qodobbadii kasoo baxay shirkii Amniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this