Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shir Muhiim ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir gudoomiyay shir looga hadlayo Mashaariicyada horumarineed ee Dalka laga fuliyo iyo u diyaar garowga shirka ka dhici doona Magaalada Brussels ee cariga Belgium-ka Bishan dhammaadkeeda, kaasi oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkan Waxaana ka qeyb-galaya qaar ka mid Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madax ka socota Maamul-Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka.

Shirka Waxyaabaha sida weyn looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah muhiimada ay u leeadahay Mashaariicda hormaruneed ee hadda laga wado dalka iyo qorshayaasha lala hortagi lahaa Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Dalka Belgium-ka inta u dhaxeysa 25—26 bishan June 2018-ka.

Xukuumadda Soomaalia ayaa dhawaanahaanba dadaal iyo diyaargarow ugu jirtay qaabkii iyo qorshayaashii lala hortagi lahaa shirka la Iclaamiyay ama loo asteeyay inuu ka dhaco Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka inta u dhaxeeysa 25 ilaa iyo 26-ka Juun ee sanadkan, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, waxaana ka qeybgali doona Wufuud ka kala socota Xukuumadda Soomaaliya, Maamul-goboleedyada Dalka iyo Xubno ka kala socda Beesha Caalamka.shir-3.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

shir-2.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

shir-1.jpg?resize=696%2C521&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this