Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo jidka u galay ciidamo MAREYKAN ah iyo dagaal xooggan oo dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanguuni (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal xoogan oo socday saacad iyo wax ka badan, kaasi oo ka dhacay deegaanka Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo, una dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwo ajaanib ah oo isku dhinac ah iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa waxa ay weerareen deegaanka Sanguuni oo maanta barqadii ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka iyo kuwa Kenya, iyadoo ciidamada Jubbaland ay wehliyaan.

Khasaare kala duwan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkaasi oo dhinacyada halkaasi ku dagaalamay soo kala gaaray, inkastoo illaa hadda aanan si dhab ah loo ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca ee dagaalkaasi ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa Baraha Internet-ka ee ay wararka ku faafiyaan ku soo qortay gaari ay wateen ciidamada Mareykanka inay ku gubeen dagaalkaasi, inkastoo uusan jirin ilo madax banaan oo warkaasi xaqiijinaya.

Saraaakiisha ciidanka Jubbaland oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay weerarkan, waxayna tilmaameen in ay wadaan hawlgal ay uga daba tagayaan raggii weerarkan ka dambeeyay.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah ku qaada ciidamada Mareykanka, xilliyada ay dhaq dhaqaaqyada Militari ka sameynayaan duleedyada Magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this