Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso qodobada ugu muhiimsan oo ay ku heshiiyeen DF iyo Maamul Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Warka ka imaanayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shirkii Amniga Qaran ee magaalada Baydhaba uga socday madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada lagu gaaray heshiis.

Heshiiska ayaa ku saabsan labadii Qodob ee sida weyn la isugu khilaafsanaa, kuwaasoo kala ah Wadaagga Kheyraadka iyo Hannaan Doorasho Federal ah ee 2020-ka, waxaana munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska ay goor dhow ka dhacday magaalada Baydhaba.

Qodobadda lagu heshiiyay waxaa ugu waaweyn:

1- In doorasho qof iyo Cod ah ay dalka ka dhacayso Sanadka 2020 oo ay kuraasta Barlamaanka ku tartami doonaan Xisbiyo Siyaasadeed .

2- In la mideeyo Canshuuraha Dalka.

3- In laga heshiiyey habka Qeybsiga khayraadka dalka.

4- In la Dhameystiro Dastuurka KMG ah.

5- In la qaadayo Howlgal lagu furayo Wadadda isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo iyo guud ahan Goobaha ay shabab kaga sugan yihiin dalka oo dhan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay dhamman qodobada Shirka loo Gudbin doono Barlamaanka Soomaaliya.

Shirka oo lagu waday in caawa xilli hore lasoo gabagabeeyo ayaa dib ugu dhacay dood ku saabsan hab qoraalka heshiiska labada qodob ee ay gaareen dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

23333.png?resize=696%2C406&ssl=1 55555.png?resize=694%2C454&ssl=1 777777.png?resize=693%2C506&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this