Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo dheerad ah oo kasoo baxaaya weerarkii lagu dilay Xildhibaanada & Guddoomiye ku-xigeen kamid noqday mas’uuliyiin la dilay (Sawir)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ka dhacay inta u dhaxeysa degaanka Qalimow iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka oo ahaa mid jidgal ah ayaa waxaa lagu dilay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabeele, Saraakiil iyo Ciidamo la socday Xildhibaanada.

Xildhibaanada lagu dilay weerarka ayaa la socday gaari noociisa lagu sheegay PRADO, waxaana wehlinaayay gaari Cabdi-Bille ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan maamulka HirShabelle.

Xildhibaanada la dilay ayaa lagu kala magacabaa  Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Daahir Mukhtaar, waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Raage Ceelle Muuse Afweyne.

Labada Xildhibaan iyo Guddoomiye ku-xigeenkii Raage Ceelle, ayaa si wada jira u saarnaa gaariga noociisa uu yahay PRADO, halka ciidamad ay saarnaayen gaariga Cabdi-Billaha ah.

Waxay kaloo masuuliyiinta Hirshabeelle inoo sheegeen in sidoo kale weerarkan lagu dilay 7 askari oo ka mid ahaa kuwii xildhibaanada u soo galbinayay magaalada Muqdisho, waxayna ka soo ambabaxeen magaalada Jowhar.

Al-shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in weerar jidgal ah ay u dhigeen kolonyo galbineysay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeele, halkaasina ay ku dileen 12 qof oo isugu jirta saraakiil iyo ciidan.

Maleeshiyada ayaa weerarka kadib dhaawacyada iyo meydadka Askart ka furtay qoryihii ay wateen, halka sidoo kale ay goobta kala baxsadeen Hub ciidamada u saarnaa gaariga Cabdi-Billaha.

Sidoo kale, weerarkan wuxuu ku soo aaday xilli magaalada Baydhabo uu ka socdo shirka Golaha amniga Qaranka oo madaxda ka qeyb galeysa uu ka mid yahay Hogaamiyaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Dhinaca kale, weerarkaan ayaa noqonaaya kii ugu cuslaa oo lala eegto mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Sawirka Xildhibaanada lagu dilay weerarka

Xildhibaanada.png?resize=567%2C377&ssl=1

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this